Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?
Tan iyo markii Dowladdii Dhaxe ee ugu awooda badneyd dowladaha Soomaray dhulka Soomaaliyeed ay ku guuldareysatay dowladnimadeeda ,islama markaana ay dumiyeen Jabhado hubeysan ee ka shidaal qaadanayay Dowlado shisheeye.
Haba ugu horeysee dowladda Itoobiya oo aan isku heynay dhull iyo Shacab Somaaliyeed oo uu gumeytahii ingiriiska ku daray Dowladda Xabashida.
21 kii october 1969 kii waxaa Dhashay si lama filaan ah Dowladii dhaxe Ee uu madaxweynaha ka noqday Jaale Maxamed Siyaad Barre dowladaasi waxey wadanka kula wareegtay afgambi aan dhiig ku daadan.
Afgambigaas wuxuu ka dambeeyay dilkii madaxwaynihii Soomaaliya, Cabdi Rsahiid Cali sharma’arke, ee 15-kii bishii October sannaddii 1969 kii lagu dilay magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.
Markii uu dilkaasi dhacayay waxaa dalka Raisul wasaare ka ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.
Raisul wasaare Cigaal waxaa xilligii uu dilka dhacayay uu ku sugnaa magaalada New York ee Dalka Mareekan ka oo uu uga qayb galayay shirkii Qaramada Midoobay, wuxuuna markii uu dilka maqlay uu si degdeg ah ugu soo laabtay Gudaha dalka.
Dowladdii kacaanka ee ka talinaysay Soomaaliya muddo ku siman 21 sano waxa ugu dambeyntii xukunka ka tuuray jabhado abaabulan oo ka soogalay dhanka dowladda Itoobiya sanndii 1991 kii
Laga soobilaabo tan iyo sannadii 1991 kii , waxaa jiray caqabado kala duwan oo hortaagan dib u soo celinta midnimada iyo dowladnimada Soomaaliyeed.
Inkastoo dadaallo badan la sameeyay, weli waxaa jira dhibaatooyin caqabad ku ah xasiloonida iyo horumarka dalka, taasi waxey sababtay in bulshada qaar ka mid ah ay noqdaan kuwa loo adeegsado caqabadaha Daciifinaya midnimada iyo wadajirka Ummada Soomaaliyeed.
Qormadaan waxaan ku faahfaahin doonaa hadii uu Alle yiraahdo arrimaha ugu waaweyn ee hortaagan midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya aniga oo isku dayaya in aan soo koobo isla markaana Xoogga Saaraya Arimaha ugu muhiimsan Ee aan isleeyahay waa Caqabadaha na hortaagan.
1: Nidaamka Federaalka iyo Kala Qeybsanaanta Maamulada Hada Jira.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sameysay nidaamka federaalka si ay u xalliso khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira dalka, laakiin habka federaalka naftiisa ayaa noqday Caqabad hor leh oo sababay kala fogaanshaha Bulshada.
Maamul goboleedyada qaarkood ayaa doonaya ama isku arka si uun in ay uga madax-bannaanyihiin dowladda dhexe ee Soomaaliya, taasoo keentay in ay daciifto awoodda dowladda federaalka si loo hirgeliyo siyaasadaha guud ee Dalka.
Sido kale Qaar ka mid ah maamulada Dalka ka jira Iyo Dowladda dhaxe waxay isku haystaan awoodda maamul ee kheyraadka dabiiciga ah, Ilaalinta Xaduudaha Dalka&Siyaasada Arimaha Dibadda iyo mideynta Canshuuraha guud ,iyada oo ay ugu darantahay dhismaha iyo mideynta Talisyada Ciidamada Xoogga ee Dalka leeyahay,intaasi kuwa kale oo badan ayaa waxey caqabad weyn ku noqdeen midnimada Dalka waxayne abuurtay walaac aad u xoogan ee ka imaanaya Bulshadeena.
2. Qabyaaladda iyo Kala Qeybsanaanta Beelaha
Qabyaaladda waa mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan midnimada iyo dowladnimada Soomaaliyeed.
Dhaqanka qabyaaladda wuxuu ka soo jeedaa nidaamka bulshada ee Soomaalida ee ku dhisan qabiil, taas oo sababtay in beelaha iyo qabaa’ilku noqdaan unugyada aasaasiga ah ee bulshada ku taagan tahay.
Qabyaalada Waxay si qoto dheer ugu milan tahay siyaasadda, dhaqanka, iyo xiriirada bulshada, taasoo dhalisay in mararka qaar qabiilka la doorbido danta guud iyo qaranka,iyada oo isla markaana loo eegeynin Saameynta xun ee uu ku reebi karo Dalka.
Sababta ugu weyn ee qabyaaladdu caqabad ugu tahay midnimada .
Waxa ugu horeeya ee qabyaalada ay dhaliso waxaa ka mid ah oo aan wali si fudud loo xalin karin, Islamarkaana taagan waqtigaan aan joogo 2024, waxaa ugu daran kala qeybsanaanta Bulshada, Siyaasiyiinta iyo is-aamin la’aanta, Hoggaamiyaasha Dalka.
Nidaamka siyaasadeed ee dalka waxaa inta badan lagu saleeyaa saamiga qabaa’ilka ee 4.5, taasoo keentay in beeluhu ay isku dayaan in ay ilaashadaan ama sii ballaariyaan awoodooda siyaasadeed oo qabiil ku saleysan, halkii ay ka shaqeyn lahaayeen danta qaran ka.
Nidaamka qabyaaladeed wuxuu dhaawacay isku duubnida bulshada, isagoo abuuray in dadku u fikiraan si qabyaaladaysan iyo isku koobid, Hay’adaha Dowladda ayada oo aan loo marin Waddoyinkii Saxda ahaa ee looga shaqeyn lahaa wadajir ka iyo dawladnimada.
Saameynta qabyaaladdu ku leedahay dowladnimada.
waxaa ka mid ah in dowladnimadu aysan noqon karin mid caddaalad ah oo ku dhisan habka dowladnimo ee casriga ah ee Aduunka.
Hoggaanka qabyaaladaysan wuxuu abuuraa musuqmaasuq, xatooyo xoolaha dadweynaha, iyo qabyaalad ku salaysan shaqo-siinta qaraabeysan iyada oo aan loo eegin Aqoontiisa iyo kartidiisa.
Tani waxay ka hortagtaa awoodda dowladnimada in ay noqoto mid lagu kalsoonaan karo oo ay shacabka u arkaan in ay Dowladdu dantooda ka shaqeyneyso.
3: Khilaafaadka Siyaasadeysan ee Siyaasiyiinta Soomaalida.
Khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya hogaamiyeyaasha dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa saameyn xun ku yeeshay dowladnimada Soomaaliya.
Si guud Khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaalida wuxuu ku saleysan yahay arrimo dhowr ah oo isku dhex milan, kuwaas oo la xiriira isbeddellada gudaha iyo dibadda ee dalka.
Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa isku haya dhowr qodob oo muhiim ah, kuwaas oo keena kala qeybsanaan iyo muran joogto ah.
Xulafeynta siyaasadeed ee salka ku haysa danaha gaar ah iyo qabyaaladda ayaa keentay in Maamulada isku khilaafaan arrimo badan oo ku saabsan awood qaybsi, doorashooyin, iyo maamulida kheyraadka dalka iyo ilaalinta Xaduudaha Dhullka cirrka iyo Badda.
Khilaafaadkan ayaa mararka qaar sababa in shaqada dowladdu istaagto, iyada oo aysan jirin midnimo siyaasadeed oo lagama maarmaan ah, waa ku waan Qodobada ugu Muhiimsan ee aan isleeyahay waa ugu waaweyn yihiin Khilaafaadka Soomaalida.
(B) Saami Qeybsiga Awoodda iyo Habka Doorashooyinka
Mid ka mid ah qodobbada ugu waaweyn ee siyaasiyiinta Soomaalida isku hayaan waa qaabka awood qeybsiga iyo doorashooyinka iyo Qofka Hoggamin lahaa Dalka.
Tan iyo burburkii dowladdii dhexe, Soomaaliya waxay ku tiirsaneyd nidaamka 4.5, oo ku saleysan saami-qeybsiga qabiilka, halka awoodda lagu qaybiyo beelaha waaweyn iyo beelaha laga tirada badan yahay.
Khilaafku wuxuu ka dhashaa su’aasha ah: yaa xaq u leh in uu hogaamiyo, iyo in nidaamkan qabiilka ku dhisan uu ka tarjumayo cadaaladda iyo dimuqraadiyadda.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta waxay ku doodaan in nidaamkan uu dib u celiyay dalkii oo uu meesha ka saaray tartanka xorta ah, halka kuwo kalena ay u arkaan hab la isku halleyn karo xilligan.
(T) Xiriirka Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada
Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa inta badan isku haya xiriirka iyo awoodo kala qeybsanaanta u dhaxeysa dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.
Dowladda dhexe waxay dooneysaa inay xoojiso awooddeeda, halka maamul goboleedyadu ku andacoodeen inay xaq u leeyihiin maamul gaar ah oo madax-bannaan arrimahooda gudaha.
Khilaafka u dhaxeeya dowladaha hoose iyo tan dhexe wuxuu inta badan ka dhashaa qaabka loo maareeyo Deeqaha Dawarsiga lagu keenay ee Dalka udabran, canshuuraha, iyo arrimaha amniga.
Maamul goboleedyada qaarkood waxay sidoo kale xiriir gaar ah la yeeshaan dowlado shisheeye, si ay dhaqaale iyo hub ugu helaan taas oo mararka qaar keenta in ay isku dhacaan dowladda dhexe .
4. Amniga Dalka iyo La-dagaallanka Kooxaha,Hubeysan.
Amniga Soomaaliya ayaa noqday mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan horumarinta dowladnimada iyo midnimada qaran.
Inkasta oo ay Dowladda Soomaaliya sameysay dadaallo dib-u-dhis ah, haddana dhibaatooyinka amni ayaa weli curyaaminaya dowladdu in ay gaarto heer la isku halleyn karo xasilloonida Iyo Amniga Guud ee Dalka.
Siyaasiyiinta ayaa isku haya qorsheyaasha amniga, gaar ahaan taageerada ciidamada qaran, ku tiirsanaanta ciidamada shisheeye sida ATMIS, iyo doorka ay maamul goboleedyadu ku leeyihiin sugidda amniga gudaha.
Khilaafka siyaasadeed ee ku saabsan amniga ayaa sidoo kale ka dhashay shaki laga qabo cidda ka faa’iideysaneysa hawlgalada militari iyo cidda la wareegeysa amniga marka ciidamada shisheeye ee ATMIS iyo kuwa kale ee Dowladaha dariska ah ay dalka ka baxaan.
Saddex qodob oo muhiim ah ayaa amniga ka dhigaya caqabadda ugu weyn ee dowladnimada iyo midnimada Soomaaliya.
(B) Sugidda Amniga Qaranka iyo Kala Go’naanta Siyaasadeed
Dowladda Soomaaliya waxay wajahaysaa caqabado badan oo la xiriira sugidda amniga guud ahaan dalka.
Maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe waxay mararka qaar ku murmaan qaabka loo maareeyo arrimaha amniga, taas oo sababta in aan la isku waafaqin hawlgallada amni ee muhiimka ah.
Maamul goboleedyadu waxay mararka qaar u muuqdaan inay ka madax-bannaan yihiin dowladda dhexe, waa sida ay ayaga aaminsanyihiin,taas oo keenta kala go’naan siyaasadeed iyo awooddii dowladda dhexe oo daciifta.
Tani waxay sii fogeyneysaa isku-dayga dowladnimo mideysan iyo xasillooni heer qaran ah oo ay Soomalidan oo idil ka wada faaideystaan.
(T) Ku Tiirsanaanta Ciidan Shisheeye iyo La-dagaallanka Kooxaha Hubeysan
Mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee Soomaaliya ka haysata amniga waa ku tiirsanaanta ciidamada caalamiga ah ee jooga dalka si ay u sugaan amniga.
Inkasta oo ciidamada nabad ilaalinta caalamiga ah ay gacan ka geysteen sugidda xasiloonida meelaha qaar, haddana dowladda Soomaaliya ayaan weli awoodin inay dhisto ciidan qaran oo isku filan si ay u hanato amniga gudaha.
Taasi waxay dhalisay shaki ku saabsan mustaqbalka amniga iyo sida dowladda dhexe ugu guulaysan karto inay wada maamusho dhamaan Gobolada Dalka.
Dhanka kale marka aan ka eegno waxaa jiro dakanooyin fara badan oo ay geysteen Ciidamada shisheeye haba u badnaadaan kuwa Itoobiya iyo kenya oo duqeymo culus ku dilay Dad shacab ah oo aan waxba galabsan,inkastoo Dowladda ay qorsheyneyso in ay ka baxaan Dowladaha Dariska howlgalada lagu sugayo amniga Dalka.
(J) Kheyraadka Dabiiciga ah iyo Khilaafaadka Hubeysan
Khilaafaadka ka dhasha maareynta kheyraadka dabiiciga ah, gaar ahaan saliidda iyo gaaska, ayaa sidoo kale door weyn ka ciyaaraya amniga iyo midnimada.
Qaar ka mid ah maamul goboleedyada ayaa si madax-bannaan heshiisyo ula gala shirkado shisheeye, taas oo keenta khilaafyo cusub oo u dhexeeya dowladda dhexe iyo Maamulada goboleedyada.
Khilaafkan wuxuu fursad siiyay in ay sii socdaan qalalaaso gudaha ah oo keena isku dhacyo hubeysan oo dhiig badan ku daata, taas oo dhibaato ku noqotay dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro midnimo qaran iyo dowlad awood leh oo hanata Amiga guud Ee dalka.
5. Faragelinta Dibadda
Dalal badan oo caalamka ah ayaa ku lug leh arrimaha Soomaaliya, iyagoo kala taageeraya kooxo ama danahooda siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya.
Faragelinta dibadda ayaa qayb ka noqotay caqabadaha hortaagan midnimada, iyadoo dalalka qaar ay si toos ah ama si dadban u taageeraan kooxo ama maamullo gaar ah, taas oo sii kala fogeyneysa dadka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, waxaa jira iskahorimaad u dhaxeeya dalalka deriska la ah Soomaaliya iyo kuwa kale ee adduunka oo ku saabsan sida loo wajahayo arrimaha amniga iyo siyaasadda Soomaaliya.
Faragelinta dibadda ee Soomaaliya lagu hayo waxay si weyn u saameysay dadaallada ay Soomaaliya ugu jirto in ay gaarto midnimo iyo horumar.
Tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee 1991 kii, dalal iyo hay’ado caalami ah oo badan ayaa kaalin ku yeeshay arrimaha gudaha ee Soomaaliya, iyagoo ujeedadooda ay inta badan ku saleysan tahay danahooda gaarka ah oo aan waxtar u lahayn mustaqbalka Soomaaliya.
Qodobadan waxay si cad u muujinayaan qaababka ay faragelinta dibadda uga hor istaagtay Soomaaliya inay gaarto midnimo qaran iyo horumar waara iyo Xasilooni.
(B) Faragelinta Dalalka Deriska ah (Kenya iyo Itoobiya)
Dalalka deriska ah, gaar ahaan Kenya iyo Itoobiya, ayaa si weyn ugu lug yeeshay xaaladaha gudaha ee Soomaaliya, iyagoo ku dhaqaaqaya tallaabooyin ay ku ilaalinayaan danahooda gaarka ah.
Kenya waxay saameyn xooggan ku leedahay Jubbaland, oo ah gobol muhiim u ah danaha amniga iyo dhaqaalaha Kenya, waa side ay u aragta’ee gaar ahaan ilaha dabiiciga ah ee batroolka iyo kalluumeysiga.
Ethiopia, dhankeeda, waxay sii waday inay taageerto kooxo siyaasadeed oo gudaha Soomaaliya ka jira, iyada oo ka walwalsan dhaqdhaqaaqyada gooni u goosadka ah ee ka jira dhulka Soomaalida Ethiopia, iyo gudaha Dowladda Xabashida.
Saameynta Midnimada Taageerada dalalkan ee maamul goboleedyada sida Jubbaland iyo Puntland iyo koonfurgalbeed waxay carqalad ku noqotay dadaallada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ku xoojinayso midnimada qaranka.
Tusaale ahaan, Jubbaland ayaa si joogto ah ugu jirta khilaaf siyaasadeed oo ay la leedahay dowladda dhexe, taasoo ah mid la rumeysan yahay inay sabab u tahay faragelinta Kenya, taas oo Jubbaland ka dhigtay “buffer state” ay Kenya ka dambeyso si ay uga difaacdo xuduudaheeda, waa sida ay aaminsantahaye Dowladaasi.
(T)Hawlgalka AMISOM iyo Ciidamada Shisheeye.
Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM(ATMIS) ayaa Soomaaliya ku sugan tan iyo 2007, iyagoo ka caawinaya dowladda federaalka ah dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Inkastoo ATMIS ay guulo ka gaartay dagaalka Al-Shabaab, haddana waxaa jira eedeymo la xiriira in ciidamada shisheeye aysan dhexdhexaad ka ahayn arrimaha gudaha, islamarkaana mararka qaar ay taageero siiyaan kooxo siyaasadeed oo ka dhan ah dowladda federaalka ah.
Saameynta Midnimada<span;>. Ciidamada shisheeye ee ka socda Itoobiya iyo Kenya ayaa lagu eedeeyay inay faragelin ku sameeyaan doorashooyinka iyo siyaasadda gudaha, iyagoo mararka qaar dhinac ka raaca maamul goboleedyada.
Tusaale ahaan, doorashadii Jubbaland ee 2019 waxaa si weyn u saameeyay taageerada ciidamada Kenya, taasoo dhaawacday kalsoonida laga qabo hannaanka doorashooyinka iyo sii xoojisay kala qaybsanaanta gudaha.
(J)Taageerada Shisheeye ee Kooxaha Nabadiidka ee Hubeysan.
Kooxaha Hubeysan sida Al-Shabaab ayaa taageero dhaqaale iyo hub ka hela dibadda, iyagoo xiriir dhow la leh shabakado caalami ah sida Al-Qaacida.
Al-Shabaab waxay sidoo kale ka faa’iidaysataa meelaha ay ka jirto dawlad la’aanta iyo xasilooni darada, taasoo ka caawisa inay sii wadaan hawlgalladooda gudaha Soomaaliya.
Saameynta Midnimada. Taageerada ay kooxaha Nabadda diidan ay ka helaan dibadda waxay si weyn u wiiqday dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro xasilooni iyo midnimo qaran.
Al-Shabaab waxay si toos ah u carqaladaysaa dadaallada dowladda federaalka ah ay ku dooneyso in ay ku soo celiso amniga iyo xukunka dalka, taasoo sii kala qeybineysa bulshada Soomaaliyeed.
(X) Faragelinta Dibadda ee Doorashooyinka Soomaaliya
Doorashooyinka Soomaaliya dhowrkii sano ee u dambeeyay waxaa si weyn loogu eedeeyay faragelin dibadeed, iyadoo dowlado shisheeye iyo ururo caalami ah ay taageero u fidiyeen musharrixiin gaar ah.
Tusaale ahaan, doorashadii 2016-kii waxaa lagu eedeeyay in dowlado sida Imaaraatka Carabta iyo Qatar ay si toos ah u taageereen dhinacyo kala duwan, iyagoo kala adeegsanaya Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo Xill doon ahaa.
Saameynta Midnimada: Faragelinta noocan ah waxay sii kala qeybisay siyaasiyiinta iyo maamullada Soomaaliya, iyada oo dhalisay kala shaki ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo kartida dowladda federaalka ah inay xaqiijiso hufnaanta geeddi-socodka siyaasadeed ee Dalka.
Musharrixiinta helaya taageerada dibadda ayaa mararka qaar danta qaranka ka horumariya danaha dibadda ee lagu taageerayo, taasoo si weyn u wiiqaysa isku-duubnaanta iyo midnimada Soomaaliya.
(Kh) Kheyraadka Dabiiciga ah iyo Saameynta Shisheeye.
Soomaaliya waxay leedahay ilaha dabiiciga ah sida batroolka, gaaska, iyo kalluunka oo ay doonayaan shirkado iyo dowlado caalami ah.
Dhowr shirkadood oo caalami ah ayaa heshiisyo la galay dowladda federaalka iyo maamullada goboleedyada si ay u baaraan batroolka iyo ilaha kale ee dabiiciga ah.
Tusaale ahaan, muranka xuduudda badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ee ku saabsan batroolka badda ayaa muujinaya sida faragelinta dibadda ay u horseedi karto khilaafaad gudaha ah oo ku saabsan kheyraadka dabiiciga ah.
Saameynta Midnimada.Muranka ka dhashay kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan batroolka, wuxuu horseeday khilaafaad gudaha ah oo u dhexeeya dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe.
Heshiisyada lala galo shirkadaha shisheeye waxay keeneen in qaybsiga dakhliga laga helo ilaha dabiiciga ah uu noqdo mid aan cadaalad ahayn, taasoo sababtay in gobollada qaar ay dalbadaan xuquuqo dheeraad ah iyo in ay si madax-bannaan u maamulaan kheyraadkooda.
(D) Loollanka Geopolitical ee Caalamiga ah.
Soomaaliya waxay noqotay goob loollan ee u dhexeysa dalal kala duwan oo doonaya inay saameyn ku yeeshaan gobolka Geeska Afrika.
Dalalka sida Turkiga, Qatar, iyo Imaaraatka Carabta ayaa si weyn ugu lug yeeshay arrimaha Soomaaliya, iyagoo taageero kala duwan u fidiyay dhinacyo siyaasadeed.
Tusaale ahaan, Turkiga ayaa si weyn uga shaqeeyay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo tababarka ciidamada Soomaaliya, halka Imaaraatka Carabtuna ay xiriir dhow la leeyihiin maamullo sida Puntland iyo Somaliland.
Saameynta Midnimada. Loollanka siyaasadeed ee ka dhex jira dalalkan dibadda ayaa sababay in siyaasiyiinta Soomaalida ay kala saftaan dowladahaas, taasoo keentay in khilaafaadka gudaha ay sii xoojiyaan arrimaha dibadda.
Tani waxay carqaladaysay in laga wada hadlo ajendayaasha qaran ee muhiimka ah sida federaalka, amniga, iyo horumarinta dhaqaalaha, maadaama siyaasiyiintu ay u kala jabeen kooxo kala taageersan dalal shisheeye.
Waxyaabaha ugu daran ee hortaagan midnimada iyo dowladnimada ee la xariira faragelinta dibadda waa labadaan qodob.
● Dano Isku Dhafan oo Iska Soo Horjeeda.
Soomaaliya waxaa isku hayo dano kala duwan oo ka yimaada quwadaha waaweyn sida Mareykanka, Shiinaha, Turkiga, iyo dalalka Khaliijka, kuwaas oo leh himilooyin dhaqaale, istiraatiiji, iyo siyaasadeed.
Mid kasta oo ka mid ah wuxuu doonayaa inuu helo gacan ku haynta ama saameynta gudaha dalka si uu uga faa’iideysto kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya iyo goobteeda istiraatiijiga ah ee ku taal marin biyoodka muhiimka ah ee gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.
Danooyinkaas isdaba yaalla waxay abuureen jawi isku dhac ah oo ku saabsan cidda awoodda ku leh gudaha Soomaaliya, taasoo adag inay keento midnimo siyaasadeed iyo in la helo xasillooni waarta, ee gudaha ah.
● Colaadaha Waqtiga Dheer Qaatay iyo Qabyaalad Siyaasadeesan.
Soomaaliya waxay muddo dheer la daalaa dhaceysay dagaallo sokeeye iyo qabyaalad siyaasadeed, oo ay abuureen Danaha quwadaha waaweyn, taas oo sahashay in Dowladaha isdiidan ay si sahal ah uga faa’iideystaan.
Dagaalada iyo isqabqabsiga beelaha ama kooxaha siyaasadeed waxaa si toos ah ama dadban u taageera dowlado shisheeye oo danahooda ku fushanaya inay taageero siiyaan mid ka mid ah dhinacyada.
Faragelintaas ayaa curyaamisay in si dhab ah loo gaaro nabad waarta iyo in dalka uu yeesho dowlad xooggan oo madax bannaan.
Waxaa intaas dheer in quwadaha waaweyn mararka qaar ay u isticmaalaan Soomaaliya sidii goob dagaal oo aan toos ahayn (proxy war), iyagoo isku dayaya inay iska caabiyaan saameynta midba midka kale.
Tani waxay sii fogeyneysaa fahamka iyo xal u helidda dhibaatada dalka oo guud, maadaama dano shisheeye lagu dhex qariyo danaha maxalliga ah.
xiriira maamul-xumo iyo musuqmaasuq baahsan. Musuqmaasuqu wuxuu carqaladeeyaa horumarka iyo dhismaha hay’adaha dowladeed, taasoo ka dhigaysa mid aad u adag in la helo dowlad shaqeysa oo hufan.
Maamul-xumida iyo eexda waxay keeneen in kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay sii daciifto, taasoo dhaawacaysa isku dayada dib u dhiska dowladnimada.
Faragelinta dibadda waa arrin muran badan abuurtay, gaar ahaan marka laga hadlayo dowladnimada iyo horumarka Soomaaliya.
Tan iyo burburkii dowladdii dhexe, Soomaaliya waxay la kulantay faragelin noocyo kala duwan ah oo ay ka mid yihiin milatariga, siyaasadda, iyo dhaqaale.
Faragelintaasi waxay saameyn xooggan ku yeelatay dowladnimada iyo horumarka dalka.
Dowladnimada oo xooggan, iyo iskaashi wanaagsan oo dhex mara bulshada caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed, ayaa ah furaha lagu gaari karo horumar waara.
Si loo helo mustaqbal ifaya, waxaa muhiim ah in la xoojiyo madax-bannaanida, isla markaana la hirgaliyo siyaasado waafaqsan danaha shacabka iyo dowladnimada
Waxaa jiri doono qodobo kale oo muhiim ah waaana jecleystay in aan laba qeyb ka dhigo qormadaan maadaama ay tahay arintaan arin muhiim ah una baahan xogo Rasmi ah.
W.Q:Abdishakur Hassan Mohamed Duuliye.




