Tuesday, April 21, 2026
28.7 C
Mogadishu

Masuul ka tirsan bahda Waxbarashada gobolka Shabeellaha Hoose oo la dilay.

Afgooye(Halqaran.com) – Waxaa saakay degmada Afgooye lagu dilay kormeerihii guud ee wasaaradda waxbarashada gobolka Shabeellaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed.

Cali Shaanlow Cali, ayaa lagu soo waramayaa in kooxo hubeysan ay ku dileen xaafadda Xaawo-taako ee Degmada Afgooye.

Wasaaradda waxbarashada Koonfur Galbeed ayaa tacsi u dirtay qoyskii uu ka geeriyooday marxuum Cali Shanlow iyo dhammaan bahda waxbarashada, iyadoo ugu baaqday hay’adaha ay khuseyso in ay baaritaanno ku sameeyaan cidda dilka ka dambeysay.

Laamaha Amniga degmada Afgooye ayaa gaaray goobta uu ka dhacay dilka, waxaana ay sameeyeen baaritaano.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...