Saturday, April 18, 2026
27.9 C
Mogadishu

Mareykanka: ‘‘Waxaan duqeyn ku Dilnay mid ka mid ah Aasaasayaashii Ururka Al-Shabaab”

G/Baay (Halqaran.com) – Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in duqayn ay 2-dii bishan April ka gaysteen deegaanka Bush Madiina ee Gobolka Baay lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan maleshiyada Ururka Al-Shabaab.

War-saxaafadeed uu soo saaray Maraykanka aa waxa uu ku sheegay in duqayntaas lagu dilay ninka lagu magacaabo Yuusuf Jiis.

Maraykanka ayaa ninkaas ku tilmaamay inuu ka mid ahaa aasaasyaasha kooxda Al-Shabaab, isla markaana uu ahaa nin arxan daran oo mas’uul ka ah gumaadka shacabka.

“Shakhsigan wuxuu ahaa hoggaamiye muhiim u ah argagixsada Al-Shabaab. Wuxuu ahaa nin rabsho badan, arxan darran, kana mas’uul ah dhimashada dad badan oo aan waxba galabsan. Dilkiisa wuxuu Soomaaliya iyo dalalka deriska ah ka dhigayaa kuwa sidii hore ka amni roon,” waxaa sidaas yiri taliyaha AFRICOM Gen. Stephen Townsend.

Ugu dambeyn, bayaan hore oo sabtidii kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarka agagaarka tuulada Bush Madina ee gobolka Baay lagu dilay 5 argagixiso, iyadoo aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin dadka rayidka ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...