Tuesday, October 28, 2025
27.7 C
Mogadishu

Mareykanka oo laga soo raafayo dadka sida sharci darrada ku jooga

Washington (Halqaran.com) – Ciidamada ammaanka Mareykan oo kaashanaya laanta socdaalka dalkaas ayaa billaabay olole ballaaran oo lagu soo qab-qabanayo dadka sida sharci darrada ah ku jooga dalkaas.

Ololahan oo ka socda dhammaan gobollada dalka Mareykanka ayaa la qorsheeyay in lagu soo qabqabto 2,000 oo qof oo sharci darro ah kaddib la masaafuriyo.

Dadkan la soo raafayo ayaa ah dad soogalooti ah, isla markaana ay maxkamadihii gacanta ku hayay kiisaskooda codsiga magangalyo doonka ay ku qanci waayeen cabashadooda sida uu sheegay ku simaha madax hay’adda socdaalka iyo ilaalada xudduudaha Mareykanka Matt Albence.

Albence, ma uusan bixin wax faahfaahin ah oo ku aaddan meesha ay ka bilaabeen dadkaa la soo qabqabanayo iyo sidoo kale tirada dadka ay soo qabteen ilaa hadda.

Waxa waayihii dambe kor u sii kacasay cabsida ay qabaan dadka soogalootiga ah ee ku nool magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka, kuwaasi oo ay askartu xoog ku galeyso albaabadooda xaafadaha ay ku noolyihiin.

Dalka Mareykanka waxaa ku nool Soomaali badan oo la sheego qaarkood in ay dalkaas ku joogaan si sharci darro ah.

Mareykanka ayaa dhowr jeer oo hore gegida diyaaradaha Aadan Cadde ka Soo dejiyey muwaadiniin Soomaaliyeed oo dalkaa laga soo masaafuriyey.

Xafiiska Halqaran.com, Nairobi
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...