Washington (Halqaran.com) Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horreysay ka hadashay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
War ka soo baxay xafiiska arrimaha Afrika ee wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa waxaa loogu baaqay labada dhinac inay si nabad ah u xaliyaan khilaafkooda.
Sidoo kale, waxay ku booriyeen labada masuul in ay diiradda saaraan socodsiinta iyo hirgalinta arrimaha doorashooyinka dalka.
Hadalkan kasoo baxay Mareykanka ayaa kusoo beegmaya, iyada oo Beesha Caalamka ku baaqday in xal laga gaaro khilaafka ka dhaxeeya RW Rooble iyo MW, si looga hortaggo dib u dhac mar kale ku yimaada doorashooyinka Soomaaliya
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





