Saturday, April 18, 2026
29.4 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo tacsi u diray Raiisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geeddi geerida ku timid hooyadii

Nairobi (Halqaran.com) –  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Raiisul Wasaarihii Hore ee Xukuumaddii Kumeelgaarka ahayd Mudane Cali Maxamed Geeddi uga tacsiyeeyey geeridii ku timid Alle ha u naxariistee hooyo Kutubeey Maxamuud Barroow.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu u rajeyey walaalkiis Raaiisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo dhammaan qoyska ay ka baxday marxuumaddu in uu Alle ka siiyo samir iyo iimaan, iyadana hooygeeda ka yeello Janatul Firdoows.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaa na soo gaaray warka murugada leh ee ku saabsan geerida ku timid Alle ha u naxariistee, hooyo Kutubeey Maxamuud Barroow. Waxaan si guud murugada ula qeybsanayaa qoyskii iyo ehelkii ay ka baxday, gaar ahaan walaalkeey Raiisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi.”

Madaxweynaha ayaa marxuumadda Alle u weydiiyey dambi dhaaf iyo in uu qabrigeeda uga dhigo beer janno, aakhirana kala yeelo safka shuhadada iyo addoomada Alle ee suubban.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...