Monday, April 20, 2026
28.3 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka cusub 2020-ka

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2020-ka, kaddib markii ay ansixiyeen Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxwenaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada Labada Gole oo wadajir u ansixiyey miisaaniyaddan sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa, iyagoona ku ansixiyey cod aqlabiyad leh.

Madaxweyne Farmaajo oo dul-istaagay kororka miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faray Xukuumadda in ay xoogga saarto dardargelinta adeegyada bulshada, kobcinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xaqiijinta mushaaraadka shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada Qalabka Sida.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa adkeeyey qorsheyaasha heer Qaran ee lagu wajahayo musuqmaasuqa iyo dadaalka xooggan ee shacabka iyo dowladdu Soomaaliyeed ay ugu jiraan hirgelinta hannaan maaliyadeed oo hufan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhaqaalyahannada Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad waxtar u leh dadka iyo dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...