Itoobiya (Halqaran.com) – Golaha wakiillada ismaamulka Amxaarada ayaa Isniintii maanta meelmariyay magacaabista Madaxweynaha cusub ee dhowaan ismaamulkaa loo soo magacaabay Temesgen Tiruneh.
Tiruneh, oo ahaa la taliyaha dhanka amniga ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa 16-kii bishan loo magacaabay Madaxweynaha cusub ee ismaamulka Amxaarada.
Xisbiga Dimuqraadiga Amxaarada ADP ayaa Madaxweynaha cusub magacaabay kaddib markii madaxweynihii hore ee ismaamulkaas lagu dilay isku day afgambi oo bishii la soo dhaafay ka dhacay gobolka Amxaaradu degto.
Toboneeyo qof ayaa lagu dilay isku daygii afgambi ee galaaftay nolosha madaxweynihii hore ee gobolka Amxaarada Ambachew Mekonnen.
Kulanka wakiillada ismaamulkaa oo afar maalmood oo xiriir ah socday ayaa sidoo kale la filayaa in lagu ansixiyo miisaaniyadda sanadka ee ismaamulka.
Xafiiska Halqaran.com, Nairobi
Halqarannews@gmail.com