Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyey maxaabiis burcad badeednimo u xirnaa oo laga soo wareejiyey dalka Siishalis.
Maxaabiista cafiska loo fidiyay ayaa ku kala xukunnaa xabsiyo muddooyin kala duwan ah kadib markii lagu helay falal danbiyeed la xiriira burcadnimo.
Maxaabiista cafiska loo fidiyay oo tiradoodu tahay 19 ayaa markii hore ku xirnaa dalkaa iyada oo markii dambe loo soo wareejiyay Soomaalilaan si ay xabsiyadoodu ugu dhammeystaan.
”Markaan Arkay: Xeerka Wareejinta Maxaabiista, Xeer Lr. 53/2012, Qodobkiisa 16-aad iyo Qodobkiisa 20aad xubintiisa 2aad; oo dhigaya in Madaxweynuhu cafis u fidin karo maxaabiista laga soo wareejiyey dal kale, si la mid ah awoodaha cafiska ee ku tilmaaman Qodobka 90-aad, faqradiisa 5-aad ee Dastuurka Somaliland; laga bilaabo taariikhda maanta wax aan cafis gaara u fidiyo maxaabiista laga soo wareejiyey dalka Siishalis ee u xiran falalka burcad-badeednimada” ayaa lagu yiri wareegto ka soo baxday madaxtooyada Somaliland.
Maxaabiistaan oo u xirnaa falka burcad-badeednimada ah ayaa lagu soo xukumay dalka Siishalis, waxaana loo soo wareejiyay Somaliland si ay xabsiyada ugu dhammeystaan.
Qaar kamid dalalka Caalamka iyo Midowga Yurub ayaa dadaallo farabadan ku bixinayay la dagaallanka burcad-badeedda, oo halis wayn ku hayay bad-weynta Hindiya iyo Badda Cas oo ah marin biyood istaraatiiji ah oo ay isticmaalaan maraakiibta ganacsiga adduunka.
Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com