Wednesday, May 20, 2026
27.2 C
Mogadishu

Madaxweynaha Somaliland oo cafis u fidiyay maxaabiis burcad badeednimo u xirnaa, Waa Imisa?

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyey maxaabiis burcad badeednimo u xirnaa oo laga soo wareejiyey dalka Siishalis.

Maxaabiista cafiska loo fidiyay ayaa ku kala xukunnaa xabsiyo muddooyin kala duwan ah kadib markii lagu helay falal danbiyeed la xiriira burcadnimo.

Maxaabiista cafiska loo fidiyay oo tiradoodu tahay 19 ayaa markii hore ku xirnaa dalkaa iyada oo markii dambe loo soo wareejiyay Soomaalilaan si ay xabsiyadoodu ugu dhammeystaan.

”Markaan Arkay: Xeerka Wareejinta Maxaabiista, Xeer Lr. 53/2012, Qodobkiisa 16-aad iyo Qodobkiisa 20aad xubintiisa 2aad; oo dhigaya in Madaxweynuhu cafis u fidin karo maxaabiista laga soo wareejiyey dal kale, si la mid ah awoodaha cafiska ee ku tilmaaman Qodobka 90-aad, faqradiisa 5-aad ee Dastuurka Somaliland; laga bilaabo taariikhda maanta wax aan cafis gaara u fidiyo maxaabiista laga soo wareejiyey dalka Siishalis ee u xiran falalka burcad-badeednimada” ayaa lagu yiri wareegto ka soo baxday madaxtooyada Somaliland.

Maxaabiistaan oo u xirnaa falka burcad-badeednimada ah ayaa lagu soo xukumay dalka Siishalis, waxaana loo soo wareejiyay Somaliland si ay xabsiyada ugu dhammeystaan.

Qaar kamid dalalka Caalamka iyo Midowga Yurub ayaa dadaallo farabadan ku bixinayay la dagaallanka burcad-badeedda, oo halis wayn ku hayay bad-weynta Hindiya iyo Badda Cas oo ah marin biyood istaraatiiji ah oo ay isticmaalaan maraakiibta ganacsiga adduunka.

Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa 
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...