Friday, June 19, 2026
27.6 C
Mogadishu

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ‘Laftagareen’ oo dhagax dhigay Maktabad laga hirgelinayo magaalada Baydhabo +(SAWIRRO)

Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa dhagax dhigay xarunta maktabadda Maamulka Koofur Galbeed, taas oo laga hirgelin doono magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Maktabadda cusub oo ay dhismaheeda iska kaashan doonaan Aqoonyahanno iyo ganacsato ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa ujeedkeedu yahay sidii ay maktabadda u noqon lahayd hoyga cilmiga.

Prof. Cabdi Maxamed Kuusow ayaa sheegay in maktabaddan kaalin mug leh ay ka qaadan doonto sare u qaadidda aqoonta, loona baahanyahay in cidkasta ay ka qeyb qaadato dhismaha maktabadda.

Qaar ka mid ah dadkii ka qeyb galay munaasabadda lagu dhagax dhigayay maktabadda ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan hirgelinta maktabad cilmiga laga kororsado.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa tilmaamay in la garab istaago dhallinta is xilqaamtay ee dooneysa inay hirgeliyaan Maktabad, isagoo baaq u diray Jaaliyadda ka soo jeedda Koonfur Galbeed inay gacan ka geystaan dhismaha maktabadda si loo horumariyo waxbarashada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...