Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh oo laga helay Cudarka COVID-19 + War-saxaafadeed

Muqdisho(Halqaran.com) –War qoraal ah oo goordhaw naga soo gaaray Madaxtooyada Soomaaliya ayaa faah-faahin  Rasmi ah ka waxa uu ka bixinayay safarka Madaxweynaha JFS uu ku joogay Isutagga Imaaraatka Carabta kaddib markii maanta uu dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho Saacado ka hor.

Kadib Imaanshaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Afhayeenka Warfaafinta Mafaxtooyada Cabdi Kariin Cali Kaar wuxuu sheegay in baaritaano lagu sameeyay Madaxweynaha JFS laga helay Cudurka safmareenka ah ee COVID-19.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta laga helay Covid-19, xaaladdiisa caafimaad aad ayay u wanaagsan tahay, Calaamadihii cudurka malaha, waxa uu marayaa heerarka qof weliba oo cudurka laga helo loogu talagalay” ayaa lagu yiri Warka Villa Somalia.

Sido kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu Caafimaad qabo, uuna sii wadi karo shaqada uu u haayo qaranka iyo umadda Soomaaliyeed, isagoo raacaya habraacyada Caafimaad ee la xariira COVID-19, wuxuuna u mahadceliyay shacabka.

“Waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh la wadaaggayaa in baaritaanno la igu sameeyay maanta lagu xaqiijiyay in la iga helay COVID-19. Intaas waxaa dheer, inaan caafimaad qabo oo aan sii wadi doono shaqada aan u hayo qaranka iyo umadda Soomaaliyeed aniga oo raacaya habraacyada caafimaad ee la xariira Covid-19. Waad ku mahadsantihiin ducadiinna iyo garab-istaaggiinna. Allaa mahad leh” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ga Madaxweynaha.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in xubno kale oo katirsan wafdigii u raacay dalka Imaaraadka iyana laga helay cudurka, balse haatan baaritaano kale oo lagu sameeyay kadib laga waayay cudurkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar qaatay muddo afar maalmood ah ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta, wuxuuna Madaxweynaha la kulmay dhiggiisa Imaaraadka Maxamed Bin Saayid iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaas kunool.

Xafiiska Wararka HalQaran.com
Halqarannews@gmail.com