Tuesday, October 28, 2025
27.7 C
Mogadishu

Madaxweynaha Hirshabelle ‘Waare’ iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Beledweyne +(SAWIRRO)

Beledweyne (Halqaran.com) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, Dr Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Axadda maanta waxa ay gaareen magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdiga Madaxweyne Waare oo ay qeyb ka yihiin Xubno ka tirsan labada Gole ee Hirshabeelle ayaa maalmahaan ku sugnaa magaalada Jowhar,

Waxaana Garoonka Diyaaradaha magaalada Beledweyne ku soo dhaweeyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle iyo Saraakiisha Ciidamada.

Madaxweyne Waare iyo Xubnaha labada Gole ee la socda ayaa la filayaa inay kormeer ku tagaan goobaha guddiga gurmadka iyo Maamulka degmada ay ka wadaan xeritaanka si looga hortago fatahaad uu sameeyo Wabiga.

Waxaa magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka jirta xaalad cabsi ah oo ku aadan fatahaad xoogan uu sameeyo wabiga Shabeelle, waxaana dadka qaarkood ay bilaabeen inay barakacaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...