Saturday, May 9, 2026
29.9 C
Mogadishu

Macallin Dugsi Quraan oo aano qabiil loo dilay!

Mid ka mid ah Dugsiyada Quraanka Kariimka lagu barto /Sawir hore.

Wanlaweyn (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha hoose ayaa sheegaya in Degmada Wanlaweyn lagu dilay Macalin Dugsi Qur,aan.

Kooxo hubaysan ayaa fulisay weerarkaan lagu dilay Macalinka Dugsiga Qur,aanka, waxa ay sidoo kale dhaawac u gaysteen ruux ka mid ah dadka deegaanka.

Dilka iyo dhaawaca loo geystay dadkaan ayaa yimid, kadib markii rag ku hubeysan qoryaha AK47 ay weerar kusoo qaadeen degmada Walanweyn, isla markaana ay dileen Macalin Dugsi Qur’aan oo lagu Magacaabi jiray Cusmaan Cirbad qof kale oo Shacab ahna ay dhaawaceen.

Arrintaan ayaa salka ku haysa aanooyin Qabiil oo horay deegaanka uga dhacay, kuwaasi oo illaa hadda raadkooda uu taagan yahay.

Maamulka Degmada Wanwaleyn ayaa sheegay inay qaati ka taagan yihiin falalka dilka ah ee ku saleysan aanooyinka Qabiilka ee Degmadaasi ka dhaca.

Waxay aheyd maalin ka hor markii kooxo hubaysan ay Degmada Wanlaweyn ka dhaceen gaari, iyadoona soo celinta gaarigaasi ku guuleystay Ciidamada ammaanka degmadaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...