Tuesday, May 26, 2026
26.7 C
Mogadishu

Lix iyo tobon Xildhibaan oo maanta lagu doortay Magaalada Boosaaso (AKHRISO)

Boosaaso (Halqaran.com)- Doorashada 16 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya maanta ka dhacday magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

 

HOP#157 waxa kusoo baxay xildhibaan Maxamuud Axmed Aadan Geesood, kadib markii uu tanaasulay musharraxii kula tartamay musharrax Iidle Cali Axmed, kursigaan ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey  Maxamed Cabdullaahi Faarax oo Puntland afartii sano ee la soo dhaafay ku matalayey BJFS.

 

HOP#227 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Cabdicasiis Maxamed Maxamuud Qambi, kadib markii ay  ka tanaasushay  Aamina Maxamed Ciise, waxaa Baarlamaankii 10-aad a ku fadhiyey Cabdicasiis Maxamed Maxamuud, waxaana uuna kamid yahay xildhibaanada dib ugu soo laabtay kuraastooda.

 

HOP#273 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Bashiir Cabdi Maxamed(Americo) waxaa tanaasushay musharrax Sahra Maxamed Maxamuud, kursiga  waxaa Baarlamaankii 10-aad  ku fadhiyey Cabdi Maxamuud Maxamed (Afdhuub).

 

 

HOP#234 waxaa kusoo baxday xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir, kadib ay  ka  tanaasushay musharraxii labaad ee kursiga Aamina Cabdiwali  Maxamed, waxaana ay kusoo baxaday cod gacantaag ah oo dhan 101 cod.  waxaa kursigaan  Baarlamaankii 10-aad ku fadhisay Deeqa Siciid Xasan.

 

HOP#169 waxaa kusoo baxay xildhibaan Mahdi Cali Maxamed,kadib markii kursiga ay ka tanaasushay musharrax  Xafsa Cali Axmed. waxaana uu kusoo baxay 97 cod oo gacantaag ah, kursigaan ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan.

 

 HOP#083 waxaa kusoo baxay xildhibaan Maxamed Bashiir Cali, kadib markii ay tartanka ay ka tanaasushay musharrax Aamina Maxamed Ciise, waxaana uu kusoo baxay codad gacantaag ah oo dhan 95 cod, kursigaan waxaa uu kusoo baxay 100 cod oo gacantaaga ah waxaa Baarlamaankii 10-aad  ku fadhiyey Cabdullaahi Bile Nuur.

 

HOP#076 waxaa kusoo baxay Muuse axmed Ismaaciil oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed, kadib markii uu tanaasulay musharrax Siciid Maxamuud Maxamed, waxaana uu ku guulaystay codad gacantaaga ah oo dhan 101 cod, kursigaan waxaana waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey  Maxamuud Xayir Ibraahim.

 

HOP#158 waxaa kusoo baxay xildhibaan Saadaam Maxamed Cabdi , waxaana kula tartamay musharrax Muna Maxamuud Dalmar, waxaa uu kusoo baxay codad gacantaag ah oo gaaray 100 cod, waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey Cilmi Cumar Cilmi (Caysane).

 

HOP#149 waxaa kusoo baxay xildhibaan Faysal Axmed Wahaabi, kadib markii ay ka tanaasushay kursiga  musharrax Faaisa Cabdixakiim Maxamed, oo ahayd  musharraxa, waxaana uu kusoo baxay codad gacantaag oo 101 cod ah, kursigaan waxaa labaad Baarlamaankii10-aad ku fadhiyey Axmed Ismaaciil Maxamed.

 

 HOP#027 waxaa kusoo baxay xildhibaan Siciid Cali Muuse, kadib markii tartanka uu ka tanaasulay musharrax  Cabdulqaadir Jaamac Cabdi, , waxaana uu kusoo baxay codad gacan taag ah oo gaaraya 98 cod, waxaa Baarlamaankii 10-aad  ee golaha shacabka ku fadhiyeuy Siciid Xuseen Ciid,

 

HOP#220 waxaa kusoo baxay xildhibaan Cali Xaaji Daahir Saleebaan, kadib markii uu tartanka ka tanaasulay Axmed Burhaan Cumar, waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyeuy Siciid Xuseen Ciid, waxaana uu ku guulaystay codad gacantaag ah oo gaaraya 98 cod.

 

 HOP#036 waxaa kusoo baxay xildhibaan Maxamed Aadan Diini, kadib markii tartanka kuraiga ay ka  tanaasushay musharrax Faaisa Jaamac Muuse, waxaa, waxaana uu kusoo baxay cod gacantaag ah oo 99 cod ah, kursigaan  Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo afartiisano ee tagtay ku matalayey BJFS.

 

HOP#0142 waxaa kusoo baxay xildhibaan Ismaaciil Shire Jaamac,waxaana kula tartamayey  musharrax Siciid Maxamuud Maxamed, kursigaan waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey   Maxamuud Xayir Ibraahim ,kaas oo afartiisano ku matalaayey golaha shacabka.

 

HOP#228 ayaa kusoo baxay xildhibaan Cabdulaahi Faarax Mire, waxaana kula tartamaysay musharrax Xamdi Cabdullaahi Maxamed, waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey Maxamuud Axmed Ciise.

 

HOP#222 waxaa kusoo baxay xildhibaan Caynaanshe Yusuf Xuseen, waxaa kula tartamaysay musharrax  Xamdi Cabdullaahi Maxamed, waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey Maxamuud Axmed Ciise, kaas oo afartiisano ku matalaayey.

 

Hop#190  waxaa kusoo baxay xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir Maxamed, waxaana kula tartamay  Siciid Maxamuud Maxamed, kursigaan waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka FJS ku fadhiyey Cabdinaasir Siciid Muuse.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...