Wednesday, January 14, 2026
28.9 C
Mogadishu

Laba muwaadin Soomaali ah oo si kadis ah ugu dhintay dalka Uganda

Kampala (Halqaran.com) – Wararka ay mareegta Halqaran.com ka helayso dalka Uganda ayaa sheegaya in laba ruux oo muwaadin Soomaali ah ay ku dhinteen shil ka dhacay dalkaasi.

Muwaadiniintan Soomaalida ah ayaa waxa ay la socdeen gaari nooca raaxada ah, waxaana uu shilkooda ka dhacay deegaanka Mbarara ee duleedka Magaalada Kampala.

Gaariga ay wateen labadan ruux oo xoog u socday ayaa sababay inuu rogmado gaariga, waxaana halkaasi ku dhintay labadii ruux.

Qaar ka mid ah ehelada labada ruux ayaa ku sheegay magacyada dadka dhintay inay kala yihiin Cumar Cigale iyo Aweys, kuwaasi oo maydkooda la geeyay Kampala.

Xilliga gaariga la rogmanaayay muwaadiniintaan ayaa waxa ay ku socdeen deegaan ay ku nool yihiin dad ay qaraabo yihiin oo booqasho ay ugu socdeen.

Booliska dalka Uganda ayaa waxa ay sheegeen inay diiwaangeliyeen kiiska Soomaalida shilkaan ku dhintay.

Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta oo Xiiso Leh:



Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...