Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

Gurmadkii ugu badnaa oo maanta la gaarsiin doono magaalada Baledweyne

Baledweyne (Halqaran.com) – Sida qorshaha uu yahay maanta Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaa gaari doona wafdi ka socda dowladda Federalka Soomaaliya oo sida gurmad.

Gurmadka ayaa ka ambabixi doona Magaalada Muqdisho, waxaana la gaarsiin doonaa Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo dhibaato ay ku haysato Bulshada halkaasi ku nool.

Mr. Maareeye Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegau in maanta gurmad ballaaran Baledweyne la gayn doono.

“Illaa iyo hadda waxaa ugu dhibaato badan oo qasaaraha ugu badan oo dalka ka dhacay ay tahay Degmada Beladweyne ee Gobolka Hiiraan, oo runtii dad gaaraya 300,000 oo qof dad ka badani ay ka qaxeen guryahoodii, dhamaan wixii ay heysteena ay ka baaba’een, oo ku sugan meel aad u kooban oo Beladweyne duleedkeeda ah.”Ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Dadka reer Baledweyne ayaa waxaa haysata xaalad adag, waxaana xilligaan ay doonayaan helitaanka gurmad Bini,aadinimo oo ay ugu horeeyaan cunto & daawooyin.

Ugu dambeyn, guud ahaan magaalada Baledweyne waxaa buux dhaafiyay biyo badan oo Magaalada ku soo fatahay, waxaana dadka ay degan yihiin deegaanka Ceeljaale ee duleedka Baledweyne, halkaasi oo ay ku sugayaan gurmad inay ku helaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...