Tuesday, May 26, 2026
26.7 C
Mogadishu

Koonfur Galbeed “Shir looga hadalay arimaha Amaanka oo ka Dhacay magaalada Baydhabo”

Baydhabo(Halqaran.com)- Shir looga hadlayey Arrimaha Amaanka, degaannada Koonfur Galbeed ayaa lagu Qabtey Maanta Xarunta Wasaardda Garsoorka iyo Cadaaladda Koonfur Galbeed ee ee Magaalada Baydhabo.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galey Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida Booliska, Xoogga Dalka, Asluubta, Nabad sugida, Gudoomiyaha Maxkmada Ciidamada Qalabka Sida Qeybta 60aad, Xeer ilaaliyaha Guud ee KGS, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Koonfur Galbeed, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga KG, Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda KGS,

Shirkan ayaa waxa uu qaatay  saacada badan isla markaana waxaa laga soo saarey go’aamo iyo baaq loo jeediyey Bulshada koonfur Galbeed, kuwaas oo ay kamid yihiin.

Qofkii lagu Arko, isaga oo iibinaya waxyaabaha maanka Dooriya , kufsiga, Dilka ,Muuqalada Anshax xumada ah ,Qamaarka la ciyaaro, wixii la mid ah in tilaabo Shirciga Waafaqsan laga qaadi doono.

Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaaliyeed Gaashanle Sare Ibrahim Cusmaan Maxamed Tifow ayaa Awaamiir ka soo saarey Askarta istafka ka ah Madaxda in ay goobahooda shaqada ku laabtaan.

Ugu danbeyntii Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Sheekh Xasan Lugbuur ayaa sheegey in Sharciga lala tiigsan doono Qofkasta oo falalka foosha xun ku kac,a isaga oo bulshada ugu baaqay inay u hogaansamaan awaamiirta Dowladda.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...