Saturday, January 17, 2026
27.9 C
Mogadishu

Jubbaland oo mar kale ku hanjabtay in wixii ka dhasha xariga Wasiir Janan uu qaadayo madaxweyne Farmaajo

Wasiirka Amniga ee Jubbaland, Cabdirashiid Janan oo weli DF Soomaaliya u xiran

Kismaayo (Halqaran.com) – Maamulka Jubbaland ayaa mar kale waxa ay ka hadleen Arrinta ku saabsan Wasiirka Amniga Maamulkaasi Cabdirashiid Janan oo u xiran dowladda Federalka Soomaliya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in Cabdi Rashiid Janan uusan aheyn dambiile, isla markaana Madaxda Dowladda Federaalka looga baahan yahay inay siideyso.

Waxa uu sheegay Wasiirka inuu leeyahay xasaanad, islamarkaana xaq aanan loogu laheyn in lagu xadgudbo oo la xiro, sidoo kalena arrintaasi ay tahay xadgudub wayn.

Wasiir Ku xigeenka Arrimaha gudaha Maamulka Jubbaland ayaa sheegay wixii ka dhasha xirnaanshaha Wasiirkooda Amniga inuu qaadayo Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dowladda Soomaaliya ayaa 31-kii Bishii August ka xirtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Wasiirka Amniga Jubbaland xilli uu halkaasi transit ku ahaay, tan iyo waqtigaas wuxuu u xiran yahay dowladda Somaliya.

Si kastaba, Kiiska Cabdirashiid Janan loo haysto ayaa wuxuu yahay inuu gaystay tacadiyo ka dhan ah shacabka kaasi oo ka dhacay Gobolka Gedo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...