Muqdisho (Halqaran.com) – Tan iyo markii uu dhacay qaraxii Xarunta Dowladda Hoose Xamar ayaa waxaa jiray baaritaan ay wadeen hay’adaha amniga dalka, oo ay hogaamineyso Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), si bannaanka loo keeno ciddii ka masuulka ahayd amaba fududeysay qaraxaasi.
Baaritaanka oo wejigiisii koobaad iyo labaadba la soo geba-gabeeyay ayaa waxaan illaa iyo hadda jirin natiijo horudhac ah oo laga soo saaray, si dadka Soomaaliyeed loola wadaago ugu yaraan shakhsiyaadkii ka dambeeyay amaba fududeeyay qaraxaasi.
Qaraxa laga gaystay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir oo ay iska cadahay in laga soo shaqeeyay ayaa loogu talagalay in lagu laayo Madaxda Gobolka Banaadir, iyadoo ujeedkii laga lahaana laga gaaray.
Dadka Soomaaliyeed dal iyo dibadba waxay qabaan inaanay Shabaabku gaysan kari lahayn weerarkaasi, haddii aysan heli lahayn gacan iyo wada shaqayn gudaha ah.
Hadaba waxay su’aalo ku gadaamin yihiin kalsoonida lagu qabi karo baaritaanka ay samaysay Hay’adda NISA, maadaama weerarkan ay sheegatay Al Shabaab, isla-markaana ay NISA ku jiraan xubno fara-badan oo Shabaabka ka soo goystay.
Xubnaha Shabaabka ee isa soo dhiibay oo Saraakiil ay ku jiraan ayaa ku dhex milmay Taliska NISA, waxayna ka soo muuqdaan oo lagu arkaa baaritaanada ay NISA ka samayso goobaha ay fal dembiyeedyadu ka dhacaan.
Sidoo kale xubnaha Shabaabka ka soo goystay ayaa waxay qaarkood ka hawlgalan oo laga shaqaaleysiiyay xarumaha kale ee dowladda, waxaana muuqata in meesha ay shaqo ka socoto.
Xeeldheere-yaasha ayaa amuurtaasi ka keenay su’aalo laga xusi karo (Sidee amnigii dalka loogu aaminay kuwii shalay dadka leynaayay ee dembiile-yaasha ahaa, loogana shaqaaleysiiyay laamaha dowladda, yaa xaqiijin kara in xubnahaasi ka tanaasuleen fekerka khalafsan ee Shabaab, yaase damaanad qaadaya inay qaranka si daacada ugu adeegayan?).
Khubarada ayaa waxay qabaan marka ay tani oo kale taagan tahay in dowladda looga baahan yahay inay dib u eegto arrimahaasi, isla-markaana ay ka qaadato mowqifka ugu haboon uguna wanaagsan.
Dadka qaarkii ayaa rumeysan in Sirdoonka Shabaabku uu ka horumarsan yahay midka Dowladda Federaalka Somaliya, isla-markaana ay si sahlan xogaha ku helaan.
Khubarada ayaa waxay ku sheegayan inaanan lagu kalsoonaan karin baaritaanada ay hogaaminayan amaba ay qaybta ka yihiin xubnaha Shabaabka ee isa soo dhiibay, laguna fududaaday in hay’adihii amniga lagu aamino.
Khubarada ayaa ku waramaya xaaladahan oo kale marka ay jiraan loo baahan yahay baaritaanada la samaynayo in lagu wareejiyo cid ka madaxbannaan Shabaabkii shalay ee isa soo dhiibay.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxay Dowladda Somaliya ka sugayan in natiijo lagu qanci karo ka soo saarto baaritaanka qaraxii laga fuliyay Xarunta Dowladda Hoose Xamar looga arrimiyo.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com