Sunday, July 26, 2026
25.9 C
Mogadishu

Golaha Wasiirada oo amray in ciidankii lageeyay Beledweyne dib loo soo celiyo (Maxay tahay Sababta?)

Muqdisho(Halqaran.com) – Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta kulan ka yeeshay Xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyadoo Shirka uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xsueen Rooble.

 

 

Kulanka ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha taagan oo ay ka mid yihiin Ciidankii dhawaan Dowladdu ku daabushay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan iyo arrimaha amniga.

 

Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in ciidammada la geeyay magaalada Beledweyne sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo saaro Magaaladaasi.

 

Ra’iisul Wasaarare Rooble ayaa magacaabay Guddi Wasiirro ah Hirshabelle iyo Waxgaradka Beledweyne kala Shaqaynayaa dajinta Xiisadda iyo xal u helista Khilaafka taagan.

 

Dhanka kale Wasiirka amniga  ee XFS ayaa  sheegay in aysan waxba kala socon Ciidanka la geeyay  Magaalada baaldweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

 

 

Sidoo kale  Golaha ayaa ka dooday cabsi gelin ay sheegeen  Al-Shabaab ay ku hayaan ganacsatada Soomaaliyeed ee Suuqa Bakaaraha, waxaana la faray Wasaaradda Amnigu in ay qaaddo.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...