Monday, April 27, 2026
27.9 C
Mogadishu

Golaha Ammaanka QM oo ka shiraya khilaafka madaxda dowladda Soomaaliya

Muqdisho(Halqaran.com)  Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka shiraya khilaafka awoodeed ee u dhexeeya madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd hay’adda Sirdoonka iyo Nabad suggida Soomaaliya ee NISA.

 

 

Shirkan oo ah mid ay albaabadu u xiranyihiin ayaa waxaa xubnaha Golaha Ammaanku warbixinta xaaladda loolanka siyaaseed ee madaxda dowladda ka dhageysan doonaan Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan sida uu xaqiijiyay afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric.

 

Afhayeenka ayaa sheegay in James Swan uu ku boogaadiyay madaxweynah Koofur-Galbeed Cabdicaziiz Laftagaren dadaalka isaga iyo madaxda kale ee mamul goboleedyadu ay ugu jiraan xallinta khilaafka u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iusl Wasaare Rooble.

 

“Wadahadal niyadsami ah wuxuu ahmiyadda ugu horreysay siinayaa baahida dhammaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan in Soomaaliya loo oggolaado inay ku sii socoto wadada xassilloonida iyo dib-u habeynta” ayuu yiri afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric.

Waxaa la filayaa in Golaha Ammaanku uu soo saaro war-murtiyeed marka la soo gabagabeeyo shirkan.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble ayaa todobaadkan si gooni-gooni ah ula kulmay ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Amina J Maxamed oo booqasho rasmi ay ku soo gaartay magaalada Muqdisho.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...