Monday, May 4, 2026
30.9 C
Mogadishu

Faah-faahin ku saabsan qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyay

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya qarax gaari loo adeegsaday oo maanta ka dhacay Koontaroolka Sayidka oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Koofi gaduuda Madaxtooyadda Villa Soomaaliya.

Gaarigaan qarxay ayaa wuxuu soo istaagay goob Baabuurta la istaajiyo, xilliyada ay doonayaan inay u gudbaan dhanka Madaxtooyadda, halkaasi oo qofka gaariga wado uu ku dago, kadibna Aqoonsiga dowladeed uu u geeyo Askarta.

Xilliga qaraxa dhacaayay waxaa goobtaasi taagnaay gaadiid ay wataan Shaqaalaha dowladda, waxaana mar kaliya la maqlay Qaraxa gaariga.

Inkastoo wali aanan si rasmi ah loo ogayn khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay Qaraxaasi, ayaa haddana muuqaalo la soo duubay, waxaa laga dhex arkaayay gaadiid meesha ku gubanaya.

Gaadiidka gurmadka deg dega oo gaaray goobta, ayaa lagu soo warramayaa inay halkaasi ka qaadeen dhaawacyo kala duwan oo ka dhashay Qaraxaasi, waxaana ay geeyeen goobaha Caafimaadka.

Ciidamada Booliska iyo kuwa Koofi gaduuda ayaa xiray goobta Qaraxa uu ka dhacay, waxaana socda Baaritaanka Qaraxii dhacay.

Isgoyska Sayidka ayaa dhawaan lagu xiray Kaamirada Qarsoon ee muuqaalada duubta, waxaana suuragal ah in Kaamirada laga helo muuqaalka gaariga qarxay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...