Muqdisho (Halqaran.com) – Afhayeenka Maamulka Gobolka Saalax Dheere ayaa ka warbixiyay qaraxii ka dhacay meesha Baabuurta la dhigo ee Koontaroolka Sayidka ee Magaalada Muqdisho.
Saalax Dheere ayaa sheegay qaraxaasi inay ku dhinteen Saddex qof oo shacab ah, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen lix ruux.
Afhayeenka ayaa sheegay qaraxa inuusan aheyn mid laga soo buuxiyay gaari, balse uu yahay mid lagu soo dhajiyay gaariga isaga oo tilmaamay inay baaris ku hayaan gaarigaasi qaraxa lagu soo dhajiyay.
Sidoo kale, wuxuu intaasi raaciyay in Hay‘addaha ammaanka baaris ay sameeyeen inay ku ogaadeen in Qaraxaasi uusan aheyn mid gaari lagu soo raray.
Ka sokow hadalka Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir waxaa xusid mudan in qaraxaasi uu ahaay mid jugtiisa laga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Sidoo kale, ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in dhimashada ay gaareyso illaa Shan ruux oo uu ku jiro Agaasime ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya, kaasi oo xilliga qaraxa dhacayay gaarigiisa ku jiray , waxaana uu taagnaa Koontaroolka.
Dowladda Soomaaliya ayaa inta badan waxa ay ka been sheegtaa Khasaaraha rayidka ka soo gaara qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com