FAAH-FAAHIN Cusub oo ka soo baxaysa Qaraxii lala eegtay Injineero Turkish ah oo dhisa waddada Muqdisho iyo Afgooye

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa Faah-faahino dheeraad ah kasoo baxaya qarax Miino oo barqanimadii maanta ka dhacay Duleedka Magaaladda Muqdisho.

Qaraxa oo dhulka ku aasnaa ayaa ka dhacay Agagaarka Xarunta Deegaanka Garasbaaley ee Duleedka Magaaladda Muqdisho.

Miinada oo dhulka ku aasneyd ayaa haleeshay Gaari ay la socdeen Injineero Turki ah oo dhisaya Jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

Sida ay goob-joogayaal u xaqiijiyeen mareegta Halqaran.com, mid kamid ah Injineeradda u dhashay Turkiga ayaa dhaawac uu soo gaaray, sidoo kalena waxaa dhaawacyo ay soo gaareen qaar kamid ah Ilaaladiisa.

Waxaa goobta gaaray Ciidamada Amniga ee ka ag dhowaa halka qaraxu ka dhacay, iyadoo in muddo ah hakad la geliyey isu socodka dadka iyo Gaadiidka wadadda.

Ma Jirto cid ilaa haatan sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay Duleedka Magaaladda Muqdisho, balse inta badan waxaa qaraxyada sheegtay maleeshiyaadka Ururka Al-shabaab.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com