Muqdisho (HalQaran.com) –Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta (FCDO) oo Dawladda UK u qaabilsan horumarinta dibadda ayaa Soomaaliya ugu yaboohay qaddar dhaqaale oo dhan $9 Million oo dollar oo lugu biirin doono mashruuca ADRiFi ee Bangiga Horumarinta Afrika kaasoo hay’adda SoDMA fuliye ka tahay.
Xafiiskan Foreign Commonwealth and Development ayaa ballan-qaadkaan dhaqaale sameyay intii lugu guda jiray shirkii caalamiga ahaa ee lugu falanqeeynayay arrimaha is-beddalka cimilada – COP28 ee lagu qabtay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Sido kale Tallaabadaan iyo deeqdaan dhaqaale ayaa gacan weyn ka geysan doonta, maareynta musiibooyinka bani’aadannimo ee dalka ka jira, taasi oo ay abaarahu ugu horreeyaan iyo fatahaadaha daran ee ku dhuftay Gobolada qaar ee Dalka.
Maxamuud Macallin Cabdulle Guddoomiyaha hay’adda SoDMA ayaa uga mahadceliyay mas’uulka matalayay FCDO, dowladda iyo shacabka Dalka UK, sida hagar la’aanta leh oo ay u garabtaaganyihiin mar waliba shacabka Soomaaliyeed, waxaase Su’aal ka taagantahay Deeqahan Faraha badan ee Caalamka ay ugu deeqayaan Soomaaliya sidii loogu talagalay Maloo gaarsiin doonaa Dadkii Mudnaa?
Xafiiska Wararka HalQaran.com
Halqarannews@gmail.com





