Sunday, April 26, 2026
24.9 C
Mogadishu

Dowladda Soomaaliya oo u Hanjabtay Hey’ad laga leeyahay Dalka Turkiga (maxay tahay Sababtaasi? )

Muqdisho (Halqaran.com)- Wasaaradda Caafimaadka iyo Darueelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inuusan jirin heshiis shaqo iyo mid howlgalin oo Wasaaradda kala dhexeeya Isbitaalka Yardimeli ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in hay’adaas shaqada ay ka wado Isbitaalka Yardimeli iyo howlaha caafimaad ee kale ay yihiin howlo baal-marsan sharciga iyo qawaaniinta dalka u dagan.

Sidoo kale wasaaradda ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in ay iyadu mas’uul ka tahay dhamaan adeeg bixinta caafimaadka dalka, isla markaana aysan dalka ka shaqeyn karin cid aan iyada ogolaansho ka haysan.

“Cid kasta oo aan u haysan ogolaansho shaqo iskama bixin karto adeegyada caafimaadka si iskeed ah, mana jirto qolo gaar ah oo wakiil uga noqon karta Wasaaradda Caafimaadka qorsheynta iyo fulinta adeeg bixinta caafimaadka iyo daryeelka bukaanka Soomaliyeed,” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...