Wednesday, March 25, 2026
27.5 C
Mogadishu

Dowlada Soomaaliya oo Ka Qeybgalaysa Shirweynaha Saxaafadda Adduunka..

Abu Dhabi(Halqaran.com) –Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaalia, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa manta magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta kaga qeybgaley furitaanka Shirweynaha Saxaafadda Caalamka (Global Media Congress). Shirkan waxaa si rasmi ah u furya R’’iisul Wasaare Ku Xigeenka Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan. Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalayaa wasiirro, danjireyaal, madaxda sare saxaafadda caalamka, shirkadaha warbaahinta, hal abuureyaasha saxaafadda iyo arrimaha bulshada.

Ajendaha ugu weyn ee looga doodayaa uu yahay sidoo loo dardargelin lahaa jiheynta isbeddelka ku dhacaya saxaafadda iyo qalabka warbaahinta, marka loo eego horumarka dhanka tiknoloojiyadda iyo xawliga saameynta baraha bulshada. Dib u qaabeynta mustaqbalka warbaahinta, awoodda muuqata ee wacyigelinta iyo dhaqaajinta isbeddelada ee warbaahinta , fursadaha maalgashi ee warbaahinta casriga, dhiirigelinta iyo taageerada hal abuurka ee dhalinyarada ku soo biiraya warbaahinta , in warbaahinta dowladda ay noqoto mid si daah furan uga waranta waxqabadka dowladaha iyo qodobo kale ayaa ka mid ah waxyaabaha lagu falanqeyn doono shirkan.

Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daud Aweis ayaa waxaa uu shirkan ku tilmaamey mid la jaanqaadaya isbeddelada muuqda ee ku dhacaya warbaahinta iyo saxaafadda inteeda kaleba, loona baahan yahay in la iska kaashado sidii isbedeladaasi loogu lifaaqi lahaa marxaladaha haatan jira ee muuqda.
Wasiirka ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay qaar ka mid ah wufuuddii ka soo qeybgashey shirka. Mas’uuliyiinta uu Wasiirku la kulmya waxaa ka mid ah Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuriyadda Seychelles Mudane Ahmed Afif, Wasiirka Warfaafinta Bahrain, Dr. Ramzan bin Abdullah Al-Naeimi, Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Wararka Imaaraadka, Mohammed Jalal Al Raisi iyo wakiilo ka socday Sacuudiga, Kuwait, Oman, Comoros iyo India.Abu Dhabi.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...