Nairobi (Halqaran.com)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya war ay soo saaraty ayaa lagu sheegay wixii ka dhaqan galay heshiiskii ay kala saxiixdeen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Horaantii Bishaan aan ku jirno.
Qoraalkan ka soo baxay Wasaarada Arimaha Dibada ee kenya ayaa lagu sheegay in Kenya ay dhaqan gelisay dhamaan qodobadii ku qornaa heshiiskii ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya
Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa cadeysay in heshiiska oo ay ka mid ahaayeen duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi uu gabi ahaanba dhinaca Kenya ka dhaqangalay maadaama culaysyo ay ka jireen duulimaadyada oo markii hore mari jiray magaalada Wajeer oo cabasho badan ay ka timid.
heshiiskan ayaa waxaa kale oo kamid ahaa in diblumaasiyiinta Soomaliyeed iyo xildhibaanada baarlamaanka in ay dal-ku-galka Kenya ka qaataan garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta.
Sido kale Kenya ayaa waxa ay sheegtay in ay ka rajaynayso dhinaca Soomaaliya in ay dhaqangaliso dhamaan heshiiska,
dowladda Soomaaliya ay horay u shaaciasya in uu dib u bilowday duulimaadkii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi.
Dowlada kenya iyo Somaliya ayaa Dhawr jeer sidaan oo kale ugu heshiiyay, in dayaaradaha ka imaada Muqdisho ay si toos ah ugu soo dagaan caasimada Nairobi ee Dalka Kenya, balse waxaa jira khilaafyo soo dhax gala labada Dall kaasi oo sababa in uu istaago Duulimaadkii Tooska ahaaa.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com