Muqdisho (Halqaran.com) –Wasaaradaha Maaliyadaha ee shanta dowlad goboleed ee xubnaha ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xiriirka u jaray Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda dhexe ee Soomaaliya.
Warqad ay ku wada saxiixan yihiin wasiirrada maaliyadda ee shanta dowlad goboleed, ee kala ah Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur-galbeed iyo Hir-shabeelle ayaa lagu faafiyay baraha bulshada.
“Wasiiraddaha Wasaaradaha Maaliyadda Dawladaha Xubnaha ka mid ah Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay maanta oo taariikhdu tahay 30th Agoosto 2022 kulan ku yeeshay aaladda fogaan aragga, iyagoo kulankooda diiradda ku saareen wada shaqeynta ay la leeyihiin Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay wasaradaha.
Wasiiradaha ayaa ku eedeyay in Wasaaradda maaliyadda Dowladda dhexe ay ka baxday hesiisyo dhowr ah, waxaana ay sheegeen in gabi ahaanba ay joojiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen.
Waxay tixraac ahaan usoo taxeen heshiisyo “wadar-tashi iyo wadar-oggol” ay ku tilmaameen oo ay horay ula gaareen wasaaradda, kuwaasoo kala ah:
- Heshiiskii Addis-Ababa ee September 2019
- Heshiiskii Kismaanyo ee November 2019
- Heshiiskii Kampala ee December 2019
- Heshiiskii Nairobi ee January 2020.
- Heshiiskii Muqdisho ee August 2020.
Haddaba, markay caddaatay in Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya ay si bareer ah u baalmartay, una jabisay heshiisyada sare ku xusan, waxaa laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 30th Agoosto, 2022 Wasaaradaha Maaliyadda Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya ee Puntland, Jubbaland, Galmudug, Konfur-galbeed iyo Hirshabeele joojiyeen dhammaan wada shaqeynta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya inta ay Wasaaraddu ku soo laabanayso xayndaabka sharci iyo fulinta heshiisyada kor ku xusan ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradaha..
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





