Fahamka guud ee “Discipline” Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada.
Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha dhabta ah ee discipline ka ,iyo hababka lagu gaari karo, iyo sido kale muhiimadda ay u leedahay nolosha casriga ah ee dunida ay manta mareyso.
Discipline waa halbeeg muhiim ah oo sal u ah horumarka shakhsiga iyo kobaca bulshada. Waa mid ka mid ah tiirarka ugu waaweyn ee dhisa anshaxa, mas’uuliyadda, iyo wax ku-oolnimada. Inta badan, horumar kastaa ha noqdo mid tacliineed, dhaqaale, bulsho ama nafsiyeed wuxuu ku xiran yahay heerka discipline ee qofka ama bulshadaasi.
Discipline waa awoodda qofka uu isku hago, si uu u qabto waxa muhiimka ah xilliga saxda ah, xitaa haddii rabitaanka gudaha ama dareenkiisu ka hor yimaado. Daraasadaha cilmi-nafsiga casriga ah ayaa muujiyay in dadka leh nidaam iyo edeb joogto ah ay ka guul badan yihiin kuwa kaliya leh caqli sare (IQ). Taas macnaheedu waa in guusha aysan ku xirnayn caqli iyo hibbo oo keliya, balse ay ku xirantahay sida qofku ugu adkeysan karo qorshihiisa iyo yoolkiisa.
Waa maxay Discipline? (Sharaxaad kooban oo macna weyn leh)
Ereyga Discipline wuxuu asal ahaan ka yimid Latin-ka disciplina, oo macneheedu yahay “barbaarin” ama “nidaamin”. Marka laga eego dhanka cilmiga bulshada iyo nafsiga, discipline waa awoodda qofku u leeyahay inuu naftiisa xakameeyo, u hoggaansamo xeerar, oo uu si joogto ah u socodsiiyo dadaal iyo mas’uuliyad si uu u gaaro yoolal nololeed oo muuqda.
Sidoo kale, discipline waxaa loo fahmaa ama loo yaqaanaa sidaan:
- Habka loo hago ama loo hanuuniyo qof si uu u yeesho dhaqamo wanaagsan.
- Nidaamka lagu sugo kala dambeynta ama nidaamka meel kasta lagu hago ha ahaatee
(dowladnimada,goobaha waxbarashada, shaqada, bulshada ilaa shaqsiga gaarka ah, iwm).
- Qiyam is-xakamayn ah oo qofka ka ilaalinaya inuu u nuglaado Weecasho degdeg ah ama caajis uu ku dareemo Nolasha, waxbarashada, iyo dhaqanka suuban, ee diinteena Islaamka.
DISCILINE :Waxaa lagu soo koobaa intaan:
- inuu naftiisa xakameeyo,
- inuu u hoggaansamo xeerar,
- isla markaana si joogto ah ugu socodsiiyo dadaal iyo mas’uuliyad, si uu u gaaro yoolal nololeed oo muuqda.
Sidee Loo Yeeshaa Discipline? (Hababka iyo Xirfadaha Loo Adeegsado)
Helidda discipline ma ahan wax iska dhaco , waa geeddi-socod Waxaa lagu dhisaa iyada oo la adeegsanayo dhowr qodob oo muhiim ah.
- Yool Cad Oo La Sameysto ama in hadafkaaga in uu cadaado.
Qofka leh yool iyo himilo cad waxa uu u nugul yahay inuu yeesho anshax joogto ah si uu u gaaro waxa uu doonayo. Yool la’aanta waxay dhalisaa jahawareer iyo dabacsanaan aan natiijo laheyn.
- Is-xisaabin joogta ah.
Discipline waa la korin karaa marka qofku uu is xisaabiyo, ama sameeyo qorshe maalinle ah, isla markaana uu si daacadnimo leh u qiimeeyo hab-dhaqankiisa,iyo wax qabadkiisa.
- Jajabinta Shaqada ama yar yareynta shaqada.
In hawsha la kala jaro oo la yareeyo, waxay fududeyneysaa fulinta. Waxay yareysaa culayska maskaxda, waxayna dhiirrigelisaa guul joogto ah,adiga oo aan caajisin.
- Dulqaad iyo Samir.
Nidaam ku wuxuu ku kobcaa dulqaad Qofka samra waxa uu bartaa inuu wax sugo, taasina waa saldhigga discipline ka.
- Ka fogaanshaha dareen-doonka degdegga ah.
In qofku barto in guusha iyo raaxadu ay timaado kadib dadaal iyo sugitaan, waa tababar muhiim u ah anshaxa nafta.
- Horumar iyo Wax-qabad Joogto ah.
Qofka leh discipline wuxuu baranayaa sida uu shaqadiisa ama waxbarashadiisa ugu wado qorshe iyo nidaam. Tani waxay ka dhigtaa inuu ka fogaado dib-u-dhac iyo caajisnimo, si tartiib tartiib ahna uu u gaaro guul waarta.
- Tusaale: Arday maalin kasta saacad u qoondeeya akhriska buugga ama dib-u-eegista casharrada, xitaa maalmaha uu daalan yahay, wuxuu gaaraa heer waxbarasho ka sarreeya kan keliya imtixaanka u akhrista habeenkii.
- Tusaale : Nelson Mandela: Samirka iyo nidaamka uu ku adkeysan jiray intii uu xabsiga ku jiray 27 sano ayaa ka dhigay astaan hoggaamineed oo caalami ah Maantana waxa uu ka mid yahay Dadka inta badan loo sooqaaato Tusaale ahaan ,marka laga hadalayo Hogaamiyaasha Dunida soo martay ee lahayd discipline.
7.Sharaf iyo Kalsooni Qofeed.
Discipline wuxuu dhisaa sumcad iyo kalsooni. Dadka kale waxay ku arkaan mid lagu halleyn karo waxwaliba, taas oo albaabo badan u furta qofka. Qof aan nidaam lahayn, xitaa haddii uu karti leeyahay, waxaa si fudud loo arkaa mid aan lagu tiirsanaan karin.
- Tusaale: Ganacsade leh jadwal joogto ah oo ku saabsan suuq-geynta, xisaabinta, iyo la socodka macaamiisha wuxuu ka faa’iido badan yahay mid ka falceliya kaliya marka uu dhibaato wajaho.
Doorka Discipline ee Qofka iyo Bulshada.
- Qofka (Shakhsi ahaan)
- Guul waxbarasho iyo shaqo: Qofka leh discipline wuu qorsheyn karaa wakhtigiisa, wuu dhammeystiri karaa hawlaha, wuxuuna gaaraa yoolal muhiim ah.
- Caafimaad maskaxeed iyo jireed: Anshaxu wuxuu ka caawiyaa qofka inuu ilaaliyo naftiisa, caafimaadkiisa, iyo nafsiyaddiisa.
- Kalsooni iyo is-aaminaad: Marka uu qofku si joogto ah u sameeyo waxyaabo horumar
T . Doorka Bulshada ee discipline ka.
- Kala dambeyn iyo sharci u hogaansanaan: Bulsho aan nidaam lahayn waa bulsho burburi karta. Discipline waa saldhigga sharci iyo ammaan.
- Kobaca dhaqaale iyo siyaasadeed: Bulshooyinka nidaamsan waa kuwa dhaqaale ahaan kobca, maamul ahaanna hufan.
- Is-ixtiraam iyo wada-noolaansho: Nidaamku wuxuu bulshada u suuraa geliyaa inay wada noolaato iyada oo aan is-dhexgalkeedu noqon mid burburiya xidhiidhka bulshada.
Muhiimadda Discipline: Qofka Maxaa Loo Baahan Yahay?
- Waxaa uu kordhiyaa wax-soo-saar (productivity) – shaqsi kasta ama koox kasta oo leh discipline waxay noqon karaan kuwo leh wax-qabad joogto ah.
- Waxay abuurtaa hufnaan iyo joogteyn – wuxuu qofka barayaa in uu yeesho hab nololeed nidaamsan.
- Waxay yareysaa khaladaadka iyo qoomamada – anshaxu wuxuu qofka barayaa inuu ka fiirsado go’aamada, taasoo yaraynaysa khataraha.
- Wuxuu xoojiyaa sumcadda iyo ixtiraamka – qofka ama bulsho leh discipline waa la ixtiraamaa, lagana barto.
Gunaanadka Qormada.
Discipline ma aha kaliya xeer ama ciqaab, waa nidaam nololeed oo wax dhisa. Waa awoodda nafta lagu hago, taasoo ah astaan muujinaysa biseylka qofka. Qofka ama bulsho kasta oo doonaya horumar waara waa inay la timaado nidaam iyo anshax hufan. Sidaa darteed, helidda discipline waa maalgashi nololeed oo qiimo weyn leh, lagamana maarmaan u ah guul gaarista dhabta ah.
Discipline ama isnidaamin waa laf-dhabarta guusha iyo horumarka. Waa awoodda qofka u oggolaanaysa inuu naftiisa maamulo, qorshihiisana joogteeyo, xitaa marka caajis, niyad-jab, ama dhibaato soo wajahdo. Sidaa darteed, qof aan lahayn discipline wuxuu la mid yahay doon badeed oo aan hage lahayn – si fudud ayuu u lumaa.
W/Q: Abdishakuur Hassan Mohamed (Duuliye)





