johannesburg (Halqaran.com) – Waxaa maalmihii lasoo dhaafay sii kordhay ay dilalka iyo Afduubka loo geysanaayo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika, waxaa wali la’ yahay qaar ka mid ah oo la aaminsanyahay in ay afduubteen kooxo burcad ah.
Gaanacsade soomaali ah ayaa lagu afduubtay magaalada johannesburg , kaasoo lagu Magacaabo bukhaari cali daahir .
kooxda dableeyda ee afduubka geeystay ayaa inta aysan ganacsadaha gacanta ku dhigin ku riday dhowr xabadood inkastoo aysan wax khasaara ah geysan
Lama ogo sababta ka dambeeysa afduubka ganacsadaha hasa ahaate waqtiyadii ugu dambeeyay afduubka wuxuu ahaa mid so laab laabtay
Booliska magalaada Johannesburg ayaa baaraya dhacdada, afduubka ee loo geystay ganacsadaha Soomaaliyeed .
Sidoo kale Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa gudaha dalkaasi waxaa ay ku dileen muwaadin Soomaali ah.
Muwaadinka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Gacal ayaa lagu hor toogtay dukaankiisa oo kuyaal Xaafadda Belhar oo ka tirsan Magalada Cape Town ee Dalkaasi Koonfur Afrika.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





