Wednesday, January 14, 2026
28.9 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Soomaaliya oo ka mid noqoneysa dhismaha Booliska Afrika, waa halkee xaruntooda?

Taliye Cabdi Xasan Xijaar

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ayaa sheegay in ay wadaan qorshe dib u dhis xooggan iyo qalabayn loogu sameynayo Ciidanka.

Taliye Xijaar oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in ay qeyb ka noqon doonaan dhismaha Booliska Africa oo  haatan lagu aas-aasayo Dalka Algeria una direen Saraakiil.

Wuxuu kaloo sheegaya Taliyuhu in ay sare u qaadi doonaan, tirada, tayada, Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo qalabka Boliiska, si uu u yeesho awood intaa ka ballaaran.

Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed uu ka mid yahay Inter Pol-ka, (International Police),  Xafiisna ay ku leeyihiin Muqdisho.

Ugu dambeyn Taliye Xijaar, ayaa xusay in dhowaan ay Magaalada Nairobi ka furi doonaan Xafiis ay ku mideysan yihiin Boliiska Bariga Afrika, wuxuuna sheegay in ay rajeynayaan in ay Soomaaliya madax ka noqoto hoggaanka Waddamada Gobolka.

Halka Hoose ka dhageyso Codka Taliyaha:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...