Sunday, March 15, 2026
27.2 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Puntland oo ka hadashay dagaalkii ka dhacay Gaalkacyo, ciidamo badanna geysay

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya, dagaal khasaaro dhimasho ah sababay oo ciidamo ka tirsan kuwa Puntland iyo maleeshiyaad hubeysan ku dhexmaray deegaanka Teegare ee galbeedka magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland, Axmed Muuse Nuur oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in Xerada Ciidamada Puntland ee deegaanka Teegare ay weerar ku soo qaadeen xalay Saqdii dhexe maleeshiyaad hubeysan oo Burcad ah, hayeeshee ay Ciidamada iska difaaceen.

Axmed Muuse Nuur, ayaa waxa uu sheegay in dagaalkii xalay uu ku dhintay hal Askari oo ka tirsan Ciidamada Puntland iyo ruux ka tirsanaa maleeshiyaadkii dagaalka soo qaaday.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhanka Puntland ayaa beeniyay Ciidamada weerarka soo qaaday inay ahaayeen Ciidan ka tirsan Galmudug, balse waxa uu sheegay inay ahaayeen maleeshiyaad hubaysan.

Maamulka Puntland ayaa Ciidamo badan gaysay xerada Ciidamada teegaro ee dhanka Galbeed kaga taallo Magaalada Gaalkacyo.

Si kastab ha’ahaatee, gaadiidka dagaalka Ciidamada Puntland ayaa subixii Axadda maanta lagu arkaayay Magaalada dhexdeeda, kuwaasi oo hawlgalo ka waday Magaalada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...