Wednesday, May 20, 2026
27.2 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Musharraxiinta Jubbaland qaarkood oo Dalab cusub soo saaray (Muxuuse yahay?)

Kismaayo (Halqaran.com) – Musharraxiinta mucaaradka ee ka soo horjeedo madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa weli walaac ka muujinaya doorashada la filayo in dhowaan ay ka dhacdo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo ka mid ah musharraxiintaasi, islamarkaana wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa marka hore dhaliil u jeediyey maamulka Axmed Madoobe.

Mr. Ciilmooge ayaa sheegay in Jubbaland aysan ku jirin doorasho, islamarkaana maamulka hadda jira uusan yeelin sidii la rabay.

”Guud ahaan Jubbaland waxaa la dhihi karaa weli doorasho kuma jirto, doorasho macno leh ma muuqato maamulka sidii la rabay ma yeelin oo waa naga diiday qodobadii iyo shuruudihii uu adduunka aqoonsanaa”, ayuu yiri musharrax Ciilmooge.

Musharrax Ciilmooge ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo horumarka Jubbaland iyo sidii loo qaban lahaa doorasho dimoquraadi ah.

Doorashada ciyaarta halaga daayo ee haloo soo noqdo xaqiiqada”, ayuu markale yiri Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi.

Ugu dambeyn waxa uu ka hadlay xalka, isaga oo dalbaday in waqti lagu daro doorashada, si looga wada hadlo caqabadaha jira.

Doorashada madaxweynaha maamulka Jubbaland, ayaa lagu ballansanay ahay inay dhacdo 19-ka bishan oo ku beegan Isniinta soo socota, sida ay Arbacadii shaaciyeen guddiga doorashooyinka Jubbaland.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA:

Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...