Sunday, June 21, 2026
25.5 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Guddoomiye Cumar Filish oo sheegay Sababta loo sugi la’yaha Amniga Muqdisho!

Muqdisho  (Halqaran.com) – Kaddib markii uu Sabtidii shalay uu Madaxweyne Farmaajo uu saxiixay sharciga la-dadagaalanka musuq maasuqa ayaa Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Caasimadda Muqdisho Cumar Maxamuud maxamed (Cumar Filish) waxa uu sheegay in amni darada dalka kajirta ay qeyb katahay musuq maasuqa.

Cumar Filish, ayaa xusay in musuq maasuqa uusan ahayn in lacag la qaato kaliya balse uu qaybo badan yahay taas ayuuna tilmaamay in ay qayb katahay hantida dowladda ee loogu tala galay in loogu adeego Shacabka oo lalunsado.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi kudaray guddoomiyaha in musuq maasuqa ay qayb ka tahay in qofka la handado,iyada oo awood loo sheeganaayo , isag oo tusaale u soo qaatay in ay Al–Shabaab ay dadka handadaan iyaga oo awood u sheeganaayo sida uu hadalka u dhigay.

Inta badan Shacabka Soomaaliyeed ayaa ku eedeynaya mas’uuliyiinta kala duwan ee dowladda u Shaqeya in ay kudhaqmaan musuq maasuq , sidoo kale Ciidamada kashaqeeya sugidda amniga ayaa lagu eedeeyaa in ay qaataan laaluush taas oo lafteeda qeyb ka ah Musuq maasuqa.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...