
Muqdisho (Halqaran.com) – DF Soomaaliya ayaa ka hortimid in dib loo dhigo dhageysiga Kiiska Dacwadda Muranka Badda Soomaaliya iyo Kenya.
Ra ‘iisul Wasaare ku-xigeenka dowlada federalka Mahad Maxamed Guuleed oo hoggaaminayay wafdi Dowlada u dirtay Magaaladda Hague ayaa sheegay in dowladu ay aaminsan tahay maxkamada caalamiga ah si cadaalad ahna loogu garnoqo kiiska badda ee kala dhexeeya dalka Kenya.
→ Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
- KENYA oo ku hanjabtay in Xildhibaano Soomaali Kenyan ah ay xilalka ka xayuubin doonto! (Ogow Sababta!)
- DAAWO SAWIRRO: Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo gaaray dalka Jarmalka +Ujeedka
- DHAGEYSO: Soomaaliya oo ka mid noqoneysa dhismaha Booliska Afrika, waa halkee xaruntooda?
- Duqa Muqdisho Cumar Filish ”Xilalka DF Somaliya waxaa lagu salaxay Ciyaalka Xaafadda”
- Maxay tahay sababta ay Maxkamadda ICJ ugu yeertay Soomaaliya iyo Kenya? (Maxaa cusub)?
Wuxuu kaloo xusay Mahad Maxamed Guuleed, in Dowladda Soomaaliya in Maxkamadda ICJ u gudbisay diidmedeeda ku aadan In si hoose loo xaliyo Muranka Badda.
“Go’aankaynu waxa uu yahay inaanan aqbalayn wax ka badan 4ta November,kiiska maxkamada ayuu ku jiraa dowlada Kenyana waxay dooneysaa in muddo 12 bilood ah dib loo dhigo taasna iyada ayay jirtaa.”ayuu yiri Ra’iisul Wasare ku xigeenka Soomaaliya.
Halka Hoose ka Dhageyso Codka Wasiir:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





