Saturday, April 18, 2026
29.1 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo si weyn u taageertay go’aanka ka soo baxay dalalka Carbeed (Akhri Warsaxaafadedka)

Muqdisho (Halqaran.com) – War-saxaafadeed kasoo baxey Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa taageero loogu muujiyey warkii kasoo baxey baaqa ka soo yeeray waddamada isbaheysiga Carbeed ee taageera Xukuumadda sharciga ah ee Yemen ee ku dhawaaqay xabad-joojin ka dhaqan-gasha dalka Yemen muddo labo todobaad ah.

Hadda halka hoose Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Dowladda Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhoweynaysaa baaqa ka soo yeeray wadamada isbaheysiga carbeed ee taageera Xukuumadda sharciga ah ee Yemen ee ku dhawaaqay xabad-joojin ka dhaqan-gasha dalka Yemen muddo labo todobaad oo ka bilaabmaysay 9 April, waxa ayna ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada Yemen in ay xoojiyaan wadahadalka si loo abuuro deganaansho, lana xaliyo arrimaha khilaafka keenay si soo afjari karta loolanka siyaasadeed iyo midka nabadgelyo.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay carabaabaysaa taageerradeeda dhammaystiran ee dadaalka Qaramada Midoobey iyo hindisayaasha uu Golaha Ammaanka ka horjeediyay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres, waxa ayna xaqiijinaysaa garab istaaggeeda howsha Ergeyga Qaramada Midoobey ee Yemen si loo gaaro xal siyaasadeed oo loo dhanyahay oo ka guul keena nabadda iyo xasiloonida Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Yemen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...