Saturday, April 18, 2026
30.1 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo sheegtay goobaha uusan saameyn doonin Bandowga la saaray Muqdisho

Sawir ka mid ah Bandowga la saaran Caasimadda Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay ku dhawaaqdey in laga bilaabo 15 Bishan April Magaalada Muqdisho xilliyada habeenkii la gelinayo Bandow ka bilaabanaya 8:00 Fiidnimo, kuna eg 05:00 Subaxnimo,hayeeshee aan saameyn doonin Goobaha qaar.

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed, Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) ayaa sheegay in si loo yareeyo faafida Cudurka Coronavirus ay talaabadaasi u qaadeen balse uusan saameyn doonin dukaamada cunnada qalalan laga iibsado iyo xarumaha caafimaadka sida farmashiyayaasha iyo isbitaallada.

Dadka Muqdisho ku nool ayuu ugu baaqey Taliye Xijaar inay u hoggaan samaan Amarka kasoo baxey waxaa uu sidoo kale Ciidamada ugu baaqey inay si wanaagsan ula dhaqmaan Shacabka, kuwooda ugu liitana ay u fududeeyaan sidii ay u gaari lahaayeen halka ay doonayaan.

Dadka ku nool Magaalada Muqdisho weli kama hadlin sida ay u arkaan Bandowga xilliyada Habeenkii ah oo ay dowladda Soomaaliya ku soo rogtey Caasimadda Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...