Waajid (Halqaran.com) –Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in dab la qabadsiiyay toddobo gaari dameer oo siday badeecooyin kala duwan oo u rarnaa ganacsato, kuwaas oo u socday degmada Waajid ee isla gobolkaasi.
Urarka Al-Shabaab ayaa la sheegay iney ka dambeeyeen dabka la qabadsiiyay gaari dameerada alaabaha u siday Waajid.
Sido Kale Uruurka 260, Guutada 9 aad, Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxaa ay Howlgallo ka fuliyeen duleedka Degmada Waajid ee gobalka Bakool,kadib markii ay Urarka Al shabaab ku gubeen Gaari Dameero urarnaa Ganacsato dagan Degmadaasi.
Markii Ciidamada Xooga ay gaareen halkii ay ku dhibateeynayeen argagixisada , ayaa waxaa halkaas ka dhacay Dagaal udhaxeeyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Al shabaab.
Degmadaan waajid ayaa waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

ugu dambeyntii Inta badan Al-Shabaab ayaa go’doomiyey degmooyinka gobolka Bakool oo ay ugu horreyso magaalada Xudur ee xarunta gobolkaasi.




Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





