Muqdisho (Halqaran.com) – Isbitaalada Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa buux dhaafiyay boqolaal dadweyne ah, kuwaasi oo baadigoobaya dad ehelkooda ah.
Kadib qaraxii shalay ka dhacay Excontrol Afgooye waxaa mashquul badan uu ka jiray Isbitaalada, waxaana dhaqaatiirta ay la tacaalayeen Bukaanada ku soo dhaawacmay Qaraxa.
Dad ehelkooda ay ka maqan yihiin ayaa saaka ku kalahay Isbitaalada si ay ugu soo quustaan dadka ay baadigoobayaan inay nool yihiin & inay dhinteen.
Faadumo Xasan oo ka mid ah dadka ehelkooda ay ka maqan yihiin, ayaa sheegtay inay baadigoobeyso wiil eedo ay u tahay islamarkaana nolol & geeri aysan meel ku ogeyn.
Dadka ugu badan waxa ay joogaan Isbitaalada Madiina iyo Digfeer, halkaasi oo la geeyay dadkii dhaawacyada ay soo gaareen.
Dowladda Somaliya ayaa wada dadaalo ku aadan in dalka dibadiisa loo qaado Bukaanada dhaawacooda uu liito ee Isbitaalada ku jira.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






