Friday, June 26, 2026
25.3 C
Mogadishu

Dad loo xir xiray weerarkii Khasaaraha geystay oo ay Al-Shabaab ku qaaday Xerada Lamu ee Kenya

Lamu (Halqaran.com) – Laamaha Amniga Kenya ayaa waxaa ay shaaca ka qaadeen in ilaa 5 ruux ay u xireen weerarka khasaaraha badan dhaliyey ee Subixii Axadda maanta Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen Xerada Simba ee degmada Manda Bay ee Gobolka Lamu.

Xerada la weeraray ayaa waxaa Saldhigyo ku leh Ciidamada Badda ee Dowladaha Kenya iyo Mareykanka, waxaana la sheegay in Al-Shabaab ayu ku gubeen gawaari badan iyo diyaarado dagaal.

Guddoomiyaha nabadgalyada ismaamulka Lamu Irungu Macharia ayaa sheegay in gacanta lagu haayo 5 Ruux oo laamaha Ammaanka uga shkiyeen  inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab kana dambeeyeen weerarkaas.

Dhanka kale, ciidanka difaaca Kenya ee KDF-ta ayaa madaafiic xoogan kaga iyo duqeyn dhanka cirka ah kaga jawaabay Weerarkaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...