Thursday, July 9, 2026
25.2 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Wasiir Sabriye oo maanta tagay Dhuusamareeb, Muxuu yahay Ujeedkiisa?

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Waxaa Arbacadii maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, gaaray wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya Cabdi Maxamud Sabriye.

Wafdigaan ayaa ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, waxaana Garoonka Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay masuuliyiin kala duwan.

Inkastoo Wasiirka uusan wali Saxaafadda la hadlin, ayaa haddana tagitaankiisa Magaalada Dhuusamareeb waxa ay ku soo aadeysaa iyadoo Guddiga doorashada Galmudug ay soo saareen Jadwalka doorashada.

Waxaa jira diidmo la sheegaayo in Ahlu Sunna ay ka soo horjeedo jadwalka doorashada Galmudug, islamarkaana aysan ku qanacsaneyn.

Laaamaha ammaanka Dhuusamareeb ayaa Magaalada ka mamnuucay in lagu qabto Shir siyaasadeed aysan ogayn Hay‘addaha ammaanka Dhuusamareeb.

DF Soomaaliya ayaa si toos u maamuleyso doorashada dhawaan la filaayo inay ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...