Tuesday, May 12, 2026
29.9 C
Mogadishu

Amaro culus oo lagu soo rogay M/Dhuusamareeb ‘‘Shirar siyaasadeed laguma qaban karo Hoteelada”

Magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Hay‘addaha ammaanka dowladda Federalka Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa soo saaray awaamiir la xiriirta shirarka Siyaasadeed ee lagu qabto Magaaladaasi.

Amaradan ayaa waxaa lagu faray Milkiilayaasha Hotelada Magaalada Dhuusamareeb in aanan Hoteeladooda lagu qaban karin Shir siyaasadeed aysan ogeyn laamaha ammaanka Dhuusamareeb.

Laamaha ammaanka ayaa u sheegay Milkiilayaasha Hotelada ciddii Hotelkooda lagu qabto shir aanan lagu soo wargelin laamaha ammaanka in tallaabo laga qaadi doono.

Amarkaan ayaa imaanaya, iyadoo Guddiga doorashada Galmudug ay soo saareen habraaca doorashada maamulkaasi oo si wayn looga hadal haayo deeganada Galmudug.

Sida muuqata hay‘addaha ammaanka ee Magaalada Dhuusamareeb ka hawlgala ayaa Magaaladaasi ka bilaabay caburin ay ku sameynayaan dadka aragti ahaan ka soo horjeeda Jadwalka doorashada Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa waxa ay ku jirtaa xaalad doorasho qalafsan oo aan la ogeyn sida ay ku dhici doonto.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...