Wednesday, April 22, 2026
26.4 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Odayaashii dhaqanka ee Saxiixay maamulka Galmudug oo gaaray Dhuusamareeb +Ujeedka

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Qaar ka mid ah Odayaashii Dhaqanka ee saxiixay Maamulka Galmudug ayaa waxay maanta gaareen Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Odayaashan ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay duleedka Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo ay soo dhawayntoodu ka qayb qaateen Guddiga Farsamada ee Dhismaha Galmudug.

Odayaashan ayaa waxaa loo gelbiyay halkii ay Dowladda Federaalka u qorsheysay in ay ka dejiso Magaalada Dhuusamareeb. Odayaashan ayaa waxay ka qayb qaadan doonaan soo xulista Xildhibaanada cusub.

Xubno ka mid ah Odayaasha Dhaqanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxay ka dhawaajiyeen inay ka shaqaynayan, sidii la isugu soo dhawayn lahaa Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunada Galmudug.

Odayaashan ayaa waxay sheegeen inay la kulmi doonaan Madaxda Ahlu Sunada Galmudug, isla-markaana ay door muuqdo ka cayaari doonaan, sidii labada dhinac la isugu soo dhawayn lahaa.

Masuuliyiinta Ahlu Sunada Galmudug ayaa waxay ka goys adeegayan in ay ka qayb qaataan dhismaha Galmudug-ta cusub, iyagoo ku andacoonaya inaanay dowladdu fulin qodobadii ay ku yeesheen billo ka hor.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...