Saturday, April 18, 2026
28 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Muxuu Farmaajo kala hadlay mas’uuliyiintii uu Mareykanka kula kulmay?

New York (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir-doceedyo la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Estonia Marwo Kersti Kaljulaid iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Ireland Mudane Leo Varadkar iyaga oo ka wada hadlay yagleelidda iskaashi ku dhisan dan-wadaag iyo wax wadaqabsi.

Jamhuuriyadda Estonia waxay ku guuleysatay in ay sanadka cusub ku biirto xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka taasoo ay Soomaaliya uga baahantahay taageero diblomaasiyadeed iyo mid horumarineed, halka Jamhuuriyadda Ireland ay tahay xubin firfircoon oo ka tirsan Midowga Yurub oo si xoog leh uga qeyb qaata amniga iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxweynaha oo sidoo kale kulan la qaatay Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Afrika Mudane Akinwumi Adesina ayaa la wadaagay dadaallada ay Soomaaliya ugu jirto barnaamijka dayn-cafinta iyo kaalinta uu Bankiga Horumarinta Afrika ka qaadan karo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...