Sunday, December 14, 2025
25.5 C
Mogadishu

Daawo Sawirro: Maxaa ka soo baxay kulankii dhexmaray Madaxa maamulka Galmudug iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Wadajir?

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Waxaa magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, kulan gaar ah ku wada yeeshay madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Wadajir.

Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa shalay gelinkii dambe gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, isaga oo halkaasi si wanaagsan loogu soo dhaweeyay.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir iyo Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur ayaa ka wada hadlay arrimaha midnimada Somaliya iyo in C/raxmaan Cabdi Shakuur door uu ka qaato isku soo dhaweynta shacabka Somaliyed.

Inkastoo kulanka uu qaatay saacado badan oo waxyaabo kale ay ka wada hadleen labada dhinac, ayaa haddana inta laga og yahay kulanka ay tahay arrinta ku aadan ka shaqeynta midnimada shacabka Soomaaliyed.

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Wadajir Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur Warsame, ayaa muddooyinkii dambe socdaal ku maraayay deegaanno iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.


Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...