Friday, May 1, 2026
30.9 C
Mogadishu

SAWIRRO: Madaxweynaha Mareykanka Trump oo qaabilay Madaxweyne Farmaajo iyo marwadiisa

New York (Halqaran.com) – Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump oo ay wehlineyso xaaskiisa Melania Trump ayaa qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo afadiisa, Saynab Cabdi Macalin.

Kulankan ayaa ahaa mid ballaaran oo Madaxweynaha Mareykanka uu u sameynayay Madaxda Caalamka, ee shirka uga qaybgaleysa Magaalada New York ee Xarunta Qaramada Midoobey.

Khamiista berrito ayaa waxaa lagu wadaa in Madaxweyne Farmaajo uu markii ugu horeysay khudbad ka jeediyo kulanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, isagoo Madaxweyne ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Magaalada New York ka wada kulamo gaar gaar ah oo uu kula qaadanayo Madaxda Caalamka, ee isugu tagtey Magaalada New York.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...