DAAWO SAWIRO: Waa Ciidan ceenkee ah kuwa sugaya Amniga Shirka Beelaha Galmudug & RW Kheyre oo la kulmay ciidankaasi.

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa kormeeray goobaha ay magaalada Dhuusamareeb uga suganyihiin ciidamada booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ee qayb ka ah ciidamada ka shaqeynta adkeynta amniga xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.

Mr. Khayre oo sheegay in uu ku faraxsanyahay in ciidamada booliiska ee sida gaarka ah u tababaran ay yihiin ciidamo ka howl-gala meel kasta oo dalka kamid ah ee qaranku u diro in ay ka shaqeeyaan ayaa faray in ay laba jibbaaraan dadaallada ay uga qayb qaadanayaan amniga Dhuusamareeb si looga mira dhaliyo qorshaha dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray xarunta lagu qabanayo shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo deegaannada ergada shirka ka qayb geleysa ay magaalada ka deganyihiin.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, ayaa shalay u yimid magaalada Dhuusamareeb dardar-gelinta dadaallada lagu dhammeystirayo qorshaha dhismaha hey’adaha dowladeed ee Galmudug iyo furitaanka shir-weynaha dib-u-heshiisiinta.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com