Saturday, May 2, 2026
28.7 C
Mogadishu

Ciidamada DF Somaliya oo dagaal kula wareegay deegaanno ka tirsan Jubbooyinka

Jamaame (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ay bilaabeen howlgal ka dhan ah maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa saraakiisha hoggaamineysa waxaa ay sheegeen inay ka wadaan deegaanka Bangaani oo hoostaga degmada Jamaame, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka titsan ciidamada DANAB ayaa Warbaahinta dowladda waxaa ay u sheegeen in dagaal xoogan uu ka dhacay deegaanka Bangaani, kaas oo dhexmarey Al-Shabaab iyo Ciidamada, isla markaana ay Ciidamada la wareegeen deegaankaas.

Wararka ayaa sheegaya in Khasaaro kala duwan oo labada dhinac uu ka dhashay dagaalkaasi, waxaana dadka deegaanka qaarkood ay sheegayaan inay weli maqlayaan rasaas xoogan oo ka dhaceysa deegaanka Bangaani iyo tuulooyin kale oo hoostagga degmada Jamaame.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...