Muqdisho(Halqaran.com) Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa goordhaweyd lagu doortay kursigii ugu horreeyay ee Senatorada Gobolada Waqooyi ee Somaliland ku metalaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kursiga koowaad ee kuraasta Aqalka Sare Gobolada Waqooyi ayaa waxaa ku tartamayay Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Saciid Cumar Xuseen, balse waxaa kusoo baxay Cabdi Xaashi markii uu tanaasulay Saciid Cumar Xuseen.
Cabdi Xaashi ayaa helay Codad gacan taag ah oo gaaraya 44 Cod, 2 Ergo ayaa ka aamusay, wuxuuna sidaasi ku noqday Senatorkii ugu horreeyay ee Gobolada Waqooyi Ee la doorto.
Hadana waxaa socota doorashada kuraasta xigta ee Baarlamaanka Aqalka Sare ee Soomaaliya ku ay matali doonaan Gobolada Waqooyi.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





